Xaalad biyo la,aaneed ayaa ka jirtay 3 bilood ee la soo dhaafay xerada dadka barakacay ee Jawle ee magaalada Garoowe,kadib markii la xiray 8 ka mid ah 10 xaruumood oo biyo-gelin ah oo ay barakacayaashu biyaha ka dhaansan jireen iyagoo lacag ku bixin jiray.waxayna salka ku haysaa khilaaf u dhexeeya barakacayasha iyo shirkadda biyo-gelinta magaalada ee magaalada Garoowe.
Shirkadda biyo-gelinta ayaa sheeganaysa in ay lacag ku leedahay dadkii goobaha biyo-gelinta masuulka ka ahaa, balse arrintaas nolosha dad badan ayey halis gelisay” ayuu yiri Cismaan Abuukar oo ah horgoogaha xerada. Barakacayaasha ayaa hadda biyaha ka hela laba xaruumood oo biyo gelin ah oo aan si wanaagsan u shaqayn. Qoysasku waxay mararka qaarkood dhaansadaan biyo aan nadiif ahayn oo ay soo qubto warshad kuwa biyaha sifeeya ah oo deris la ah Xerada Jowle.
“Biyahan waxaan ku dhaqnaa dharka iyo weelka.” ayey tiri Kuli Xasan oo ah gabar ka yar 10 sano oo la hadashay Ergo mar ay biyo ka dhuraysay goob bannaan oo warashaddu biyaha ku qubto, sidoo kale Cismaan Abuukar oo arintaas ka hadlay wuxuu sheegay in biyahani ay khatar ku yihiin caafimaadka, basle aysan dadku ka maarmayn isticmaalkooda.
Xerda Jawle waxaa horay ugu jiray 2 kun oo qoys dhawaanna waxaa ku soo biiray in ka badan 150 qoys oo ka soo barakacay gobolka Shabeellaha hoose. Barakacayaasha ayaa dalbanaya in wax laga qabto baahidooda in kastoo ay tilmaameen in Dowladda hoose ee magaalada Garoowe iyo hay,adaha gar-gaarka ay u gudbiyeen cabashadooda.
Cabdiraxman Maxamed/FO