Xuduuda u dhaxaysa degmoyinka Doolow Soomaaliya iyo Doolow Ethiopia ayaa waxaa ka socda tallaalka cudurka dabeysha oo ay fullinayaan kooxo qaabilsan,waxaana la tallaalayaa carruurrta ay wataan hooyooyinka u kala socdaalaya xeryaha barakacayaashu ku jiraan ee labada degmo ku kala yaal.
Suldaano Cali Cabdi, oo ka mid ah kooxda fulinaysa tallaalka ayaa Ergo u sheegtay in maalin kasta ay tallaalaan carruurta oo maraca qaar tir ahaan gaaraya 120,xilliyada la bixiyo raashinka ayey dadku si aad ah u isticmaalaan xuduudda sidaa ayaan uga faa’iidaynaa carruurta talaalka.
Suldaano Cali Cabdi, ayaa sheegtay in sidoo kale ay sameeyaan wacyi galin ku aadan sida shacabka loogu baaraarujiyo karo halista cudurka u geysto iyo waliba in waalidiintu ay carruurta tallaalan ka hor inta uusan dhicin ilamaha cudurka oo u gaysta waxyeello saamayn ku yeelata nolashiisa danbe.
Waxaan ka imaadaa degmada Doolow Ethiopia si aan carruurtayda uga tallaalo cudurka dabeysha mar kasto oo aan u baahdo talaalka waan ka helaa halkaan ,sidaasi waxaa Ergo u sheegtay Qadiijo Cusmaan Hire oo carruteeda ka tallaalasay cudurka dabeysha.Cudurkan ayaa marka uu ku dhaco ilamaha wax uu ka dhaxlaa naafanimo xubnihiis ah. Inkastoo bulshada qaarkeed ay u muuqdaan haatan inay soo fahmayaan faa’idooyinka uu leeyahay ka hortagga cudurka dabeysha.
Maxamed Macallin/FO