Gudoomiyaha degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool Xuseen Cabdiraxmaan Axmed,ayaa Ergo u sheegay in haweeney umul ahayd iyo ilmo laba sano jir ah ay nafaqo darro ugu geeriyoodeen gudaha degmadaasi.
Wuxuu sheegay in haweeneyda ay u dhimatay gaajo kadib markii la waayey wax cunto ah oo la siiyo,waxaa ka jira Rabdhuurre caafimaad darro,cunno yari abaar barakacisay Beeralleyda,xoolo dhaqatada iyo colaado soo noqnoqday oo mar walba sii xumaynaya xaaladda dadka barakacay iyo danyarta.
Ku dhowaad 60 qoys ayaa dib ugu soo laabtay degmada Rabdhuurre kuwaasoo markii hore ka barakacay colaadaha,xilligan noolashu way adag tahay dadku way dhiban yihiin ma jirto waxa kaalmo ah oo ay ka helaan hay’adaha samafalka iyo dowladda.Haweenka uurka leh iyo carruurta ayaa halis ugu jira nafaqo darrada,shiban biyoodka iyo xannuuada ay keenaan abaraaha iyo macluusha, sidaa waxaa yiri Xuseen.
Waxaa jira dad faro badan oo la jiiffa nafaqo darrada oo aan heli Karin cunno iyo daawo toona.
Muxiyadiin Xusni/FO