Cudarka shuban-biyoodka oo ka dilaacay xeryaha dadka barakacayaasha ah ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa dilay 11 carruur ah toddobaadkii hore. Howl-wadeennada caafimaadka waxa ay sheegayaan in 8 kale oo carruur ah la jiifay isbitaalo ku yaal deegaanka Ceelasha biyaha ee ku yaal jidka dheer ee Muqdisho iyo Afgooye isku xira.
Dhakhtarad Hidaayo Axmed Maxamed oo ka howl-gasha xarun caafimaad oo Ceelasha Biyaha ku yaal ayaa sheegtay in carruurtada dhimatay ay da’dooda u dhaxeysa labo ilaa todobo sanadood. Dhakhtarada ayaa sheegtay in cudurka shuban-biyoodka uu ka dilaacay xeryaha dadka barakacayaasha ee ku dherersan jidka Afgooye dhamaadkii bishii hore.
Hidaayo waxa ay intaa ku dartay in xarunteeda caafimaad maalin walba la keeno 7 carruur ah oo uu cudurku soo ritay. Laakiin carruurta badidood lama jiifiyo xarumaha caafimaadka. Shuban-biyoodka xeryaha ka dilaacay ayaa lala xariirinayaa saxada biyaha ay dadka barakacayaasha cabaan oo aan nadiif aheyn iyo nadaafada xeryaha oo xun.