Bulshada iyo maamulka dagmada Wadajir ee Muqdisho ayaa codsaday in dib loo howlagaliyo laba isbitaal oo bukaannada dagmadaas adeeg caafimaad ay ka heli jireen, xarumahaan oo aan shaqeynin muddo 8 bilood ah kadib markii ay dalka ka baxday hay`adda MSF oo maamuleysay isbitaalladaasi.
Hodan Xasan oo ka mid ah haweenka kunool dagmada Wadajir ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay “Hooyo waxaa weeye isbitaalladaas faa`iido weyn ayaan ku qabnay, carruurta haddii ay kaa xanuunsadaan daawa ayaan soo heli jirnay oo aan lacag ahayn, haddii haweenku ay fooshaan waa loola carari jiray, si dhaqsa ah ayaa adeeg caafimaad loogu fulin jiray, haddana annaga aad ayaan ugu dhibbannahay dhanka caafimaadka, isbitaal Banaadir ayaa hadda noogu sokaysa goob caafimaad”.
Mustaf Aadan oo isna ka tirsan dadka deegaanka ayaa Ergo u sheegay in sidii labadaas xarumood u xirmeeen bulshadu weyday adeeg caafimaad “ aniga shan carruur ah ayaan dhalay, kuligoodna daawo ayey ka heli jireen, goobtaas, hadda uma awoodo inaan u helo daaweyn markay xanuunsadaan, dowladda iyo hay’adaha waxaan ka codsanaynaa inay dib u hawl geliyaan isibitaalladaas”
Axmed Cabdulle Afrax waa guddoomiyaha dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir Ergo ayuu uga warbixiyey xaaladda caafimaad ee dagmada Wadajir ka taagan “Laba isbitaal ayaa jiray oo shacabka adeeg caafimaad oo lacag la`aan ah ay ka heli jireen oo labadaba ay maamuli jireen MSF Spain iyo MSF France ilaa 8 bil muddo ah ma aysan shaqeynin, bulshadana adeegyo badan kala maqan, dagmadaan waa ay weyn tahay wax adeeg ah hadda malahan dadku aadbay u dac darreysan yihiin, annaga awoodeenna dhaqaaleheenna ma wanaagsana, marka waxaan codsanaynaa in nalagu caawiyo sidii dib loogu furi lahaa xarumahaan”
Hay’adda MSF oo taakulayn jirtay isbitaallo badan oo ku yaal guud ahaan waddanka ayaa hawlaheedii joojisay bishii Agoosto ee sanadkii hore, kadib arrimo dhinaca ammaanka, iyadoo weli saamaynta bixitaankii hay’addu taagan tahay.
Farxiya/MH
Farxiya/MH