Odayaasha tuulada Widhwidh oo xir xiray dhallinyaro xaalufinaysay deegaanka

0
Waxaa dhawaanahan ku soo badanayay deegaanka widhwidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer dhalinyaro dhuxul ka shidaysa goobaha kaymaha ah ee ku xeeran deegaankaas
Guddida magaalada ayaa bilaabay sidii dhalinyarada looga joojin laahaa xaalufinta ay ku hayaan deegaanka, dhalinyaradani waxay soo bandhigeen jawaano ay ku jiraan dhuxul laga gubay deegaanka oo tiro badan.
Sheikh Cabdiraxmaan Ciise Mire oo ka mid ah culimadda deegaanka ayaa Ergo u sheegay in lajaro dhirta inay tahay denbi, aysana banaynayn shareecadu, waayo dhirta waxaa ku nool dad iyo noole kale oo badan.
Oday Ibaarhim Axmed Kuutiye oo kamida xoolodhaqatada deegaanka Widhwidh ayaa yidhi  isaguna “Dhibaato xoogan ayaan kala kulanaa jarida dhirta, taas oo goobo badan oo ku yaala deegaanka haatan marayaan in ay isu badalaan dhul xaaluf ah, xoolihiina ay waayaan wax ay daqaan.
Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay iyagoo is kaashanaya aay gubeen dhuxul la soo shiday oo diyaarsanayd, ayna aadeen goobo godad ah oo ku yaalay dhulka hawdka ah, lagana shido dhuxusha ayna soo burburiyeen,saddex god,  waxayna qabteen laba qof oo iyagu ahaa kuwii dhuxusha shidayey, kuwaasoo hadda ku xiran saldhiga.
Maamul adag oo aan ka jirin deegaanka ayaa ah dhibaatada ugu daran ee hor taagan wax ka qabashada xaalufku, iyagoona odayaasha deegaanku soo saarayaan amaro ay ku sheegeen inay la xiro gaarigii iyo cidii lagu qabto ganacsiga dhuxusa iyo xaalufinta deegaanka
Jarista dhirta laga shido dhuxuso si loo iib geeyo ayaa ahayd dhibaato haysata guud ahaan deegaanka Soomaaliya.
Olol

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here