Boqolaal dad reer guuraa ah iyo xoolahooda ayaa haraad daran ku heystaa miyiga gobolka Galgaduud xilli jilaalku uu bilow uun yahay. Weriye Ergo ka tirsan oo ku safray gobolka ayaa sheegay in biyo yaraanta ugu daran ay ka jirto deegaanka Cadakibir oo 66km dhanka koofur-bari uga beegan degmada Cadaado ee xarunta u ah gobolka Galgaduud.
Deegaankaa ma leh ceel-biyood, dadka deegaankuna waxa ay ku tiirsanaayeen biyo laga keeno magaalooyinka Baxdo iyo Godinlabe ee masoo ahaan tuuladaa ka fog 40km. Laakiin waddooyinka oo carro iyo dhagaxaan ay xireen awgeed, booyadaha biyaha keena tuulada wey yaraadeen.
Maxamed Maxamuud Xasan oo ah toddobaatan sanno jir ku nool deegaanka Cadakibir ayaa sheegay in biyihii baraakadaha lagu keydiyay ay dhamaad yihiin, dadkuna aysan heysan biyo kari. Taas waxa ay sababtahay in qiimaha foostada biyaha ah oo horey loo iibin jiray 30,000 oo shilin in hadda la iibiyo 100,000 oo shilin.
“Ma iibsan karno biyaha, aniga iyo sagaalkeyga carruur iyo xoolaha waan ka cabsi qabaa in aan haraad u dhimano,” ayuu yiri Maxamed. Gudoomiyaha deegaanka Cadakibir Cusmaan Yuusuf Cosoble wuxuu u sheegay raadiyaha Ergo in hantida kali ah ee dadka deegaanku wax ku iibsan karaan in ay tahay xoolaha. Laakiin cid xoolo iibsatada ma leh suuqa sida haraadku u bilowday.