Weriyeyaal u soo warrama raadiyo ERGO oo helay abaalmarin

0

Saddex weriyie oo ka tirsan raadiyo Ergo ayaa ka mid ahaa 12 weriye oo Soomaali oo la guuleystay abaal-marinta 2013ka ee Warbaahinta Soomaaliya. Weriyayaasha oo ka kala socday gobollada bartamaha iyo koofurta, Puntland iyo Somaliland ayaa laga abaal-mariyay warbixino la xariira hormarka iyo arrimaha bini aadano oo ay dalka ka tabiyeen sanadii hore.

Abaal-marinta oo sanadkii hore ay bilaabeen Ururka Weriyayaasha Qaranka Soomaaliyeed iyo Ururka Warfidiyeenada Somaliland oo kaashanaya hey’addaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa u tartamay tiro weriyayaal raadiyoow oo ka howlgala gobolada Bartamaha iyo Koofurta iyo deegaanada Puntland, iyo weriyayaasha wargeysyada iyo warbaahinta internetka ee Somaliland ka howl-gala.

Si kastaba, 12 weriye oo saddexdaa deegaan ka kala yimid ayaa ku kala guuleystay afarta mowduuc ee abaal-marinta lagu bixinayay oo kala ahaa warbixinada la xariira jinsiga, Carruurta iyo Dhalinyarada, helitaanka adeegyada aas-aasiga ah iyo warbixinada dabo-galka ah.

Saddex ka mid ah weriyayaasha guuleystay oo kala ah Yuusuf Axmed Keynaan, Cali Nuur Faarax iyo Maxamuud Cabdi Diirshe waxay u shaqeeyaan raadiyaha Ergo.  Keynaan wuxuu ku guuleystay warbixin uu ka diyaariyay “Haweenka iyo doorka beer-falida”, halka Diirshe na uu ku guuleystay warbixin uu ka diyaariyay daawooyinka dhaca iyo howl-wadeenada caafimaadka ee aan tababarka laheyn saameynta xun ee ay bulshada ku leeyihiin.

Cabdulqaadir M. Cabdulle/MR/MRS

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here