Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Barakacayaasha xerada buulo-baclay ee magaalada Gaalkacyo oo ka cabanaya helitaanka adeegyada caafimaadka

Keydka sawirrada Ergo

Waxaa jira bukaanno markii ay waayeen lacag ay isku daaweeyaan ay dantu ku qasabtay inay gurigooda dhexdiisa iskaga dhex murugoodaan. Weriyaha Ergo ee Gaalkacyo oo dhowaan booqday xerada Buula-bacleey ayaa ku dhex arkay bukaanno qaba xanuunno kala duwan oo u baahan inay helaan daaweyn, kuwaasoo isugu jiray kuwo hadalkii ka xirmay iyo kuwo xanuunno kala duwan sheeganaya.

Gabar yar oo xanuunka ku dhacay awgiis uu madaxu ka weynyahay jirka intiisa kale oo dhan, oo noqatay qof aad u malliilay, ayaa ka mid ah bukaannadaas, laakiin qoyska gabadhaas dhalay oo barakac ah ma awoodaan inay iska bixiyaan kharashka ku baxaya caafimaadka gabadhaas yar.,

Shukri Sarreeya Xaaji, waa hooyada gabadhan oo 11 bilood jirta, gabadhaas yar ayaa waxay la il darantahay xanuun ka haleeleelay madaxa, taasoo takhaatiirtu sheegeen inay u baahan tahay qalliin deg deg ah, si madaxa oo biyo ay uga jiraan looga sameeyo qalliin, Shukri ayaa idaacadda Ergo u sheegtay inay codsanayso in la caawiyo.

“Waa ku dhalatay xanuunka, muddaan isbitaal kula jiray, takhtarna waan tusay wuxuu igu yiri waan qalayaa, waxana uu iidiray inaan jiifiyo isbitaalka guud ee Gaalkacyo. Markii aan tagey isbitaalka waxaan la kulmay wiilal ka shaqeeya isbitaalka, waxayna igu yiraahdeen iska bixi lacag dhan $250 iyo sh,So 240.000. laakiin lacagtaas ma heli karin kadibna kuma laaban dhaqtarkii, ee waxaan dib ugu laabtay gurigeygii, dhibaato weyn baa haystaa gabadhaan yar ma seexato waana iska ooyeysaa, Aabbeheedna waa gaarigacanle mana jirto cid na caawisa” ayay tiri hooyo Shukri.

Cabdxakiin Cabdullaahi Faarax, oo ah guddoomiye ku xigeenka barakacayaasha Buulo-bacleey ee magaalada Gaalkacyo ayaa Ergo u sheegay inay ka codsanayaan hay’adaha samafalka iyo howl-wadeennada caafimaadka inay caawiyaan gabadhaas yar ee madaxa biyuhu ay uga jiraan, una baahan gargaar deg deg ah.

Dr Maxamed Xuseen Aadan, agaasimaha isbitaalka guud ee Jaamacadda Gaalkacyo oo ah isbitaalka dowladda ayaa sheegay inuusan xog ka hayn bukaankaas inuu yimid isbitaalka iyo in kale, wuxuuse ballan qaaday xanuunka haya gabadhaas yar ee hooyadaasi sheegtay inay u sameynayaan qalliimo lacag la’aan ah carruurta qabta xanuunkaas oo kale, taasoo uu sameeyo Prof Maxamed Jaamac Salaad, wuxuuna sheegay inuu ugu baaqayo hooyadaas inay gabadheeda keento isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

“Anigu waxba kalama socdo hooyadaas arrinteeda, waxaana iigu horaysay gabadhaas xanuunkeeda wareysigii hadda ay ka hadlaysay dhibaatada haysata, oo ay kaga hadlaysay inay aragtay takhaatiirta qaarkood oo u soo diray isbitaalka guud, mana garanayo meel ay wax ka khaldameen. Maalin kastoo Sabti ah isbitaalku wuxuu sameeyaa qalliinnada noocaasoo kale ah.” Ayuu yiri Agaasimuhu.

Burhaan Cadeysay/FM

Exit mobile version