Aamina waa gabadh jirta lix iyo toban sanno, “Aamina” maaha magaceeda saxda ah, waqtigan waxay ku jirtaa mid ka mid ah isbitaalada Hargeysa gaar ahaan kuwa lagu daryeelao dadka bukaan jiifka ah.
Wajigeeda waxaa ka muuqata murugo, mana awoodo in qofkasta ay si kalsooni ku dheehantahay ugu sheekayso, in badan waxay iska hubinaysaa qofkani ujeedada uu ula hadlaayo, muuqaalkeedu waxa badan kama duwana qofka caafimaadka qaba .
Hooyadeed waxay geeriyootay iyada oo sagaal sanno jir ah, waxayna la noolayd ayeydeed hooyo, iyadiina waxay dhimatay 13 jir markay ahayd, markaas kadib waxay wayday cid xanaanaysa, waxayna bilowday inay adeegto ka noqoto guryaha.
Amina oo ku dhalatay deegaan ka tirsan miyiga Hargeysa, waxay sii sharaxday qaabkay u malaynayso in ay ku qaaday cudurka AIDs
”Waxaan maalin maalmaha ka mid ah u shaqo bilaabay gabadh leh goob meherad ah, gabadhii aan u shaqaynaayey ayaa igu tidhi laba nin lacag iiga soo qaad, kadib markii aan uga soo qaaday ayey haddana ii dirtay dukaan, waxaanan halkaas kula kulmay labadii nin oo gaadhi wata, way ii yeedheen kadib, waxaanay igu dhufteen nabar, guri ayeyna ila galeen, wayna i kufsadeen, muddo lix bilood kadib waan xanuunsaday, aad ayaan u xanuunsaday, waan dhuubtay, waxaana la ii geeyey isbitaalka, baaritaan kadibna waxaa la iga helay jeermiska dhaliya HIV, waxaa ila socotay edaday, markii loo sheegay edaday way i eriday, ayeyday aabo ayaan u tegey iyadiina way i eriday, habaryarahay ayaan u tagay iyagiina way i eryeen, waxaanan dibad meerkii igu dhacay qaaxo (TB),
Sida ay Ergo u sheegtay gabadhani qoyska ay ka soo jeedo waxay la tiigsadeen gabadhii ay ku sheegtay in ay qayb ka ahayd falkan kufsi ee loogasytay iyo labadii ninba sharaciga, Amina oo intii noo waramaysay indhaheeda ilmo laga dareemayey, waxay sheegta yinay ogaalkeed labadii nin xiran yihiin, gabadhiise la sii daayey, waxay hadda muddo hal sanno ah u jiiftaa xanuun dhaliyaha HIV iyo cudurka TB-da isbitaal ku yaalla Hargeysa, waxayna sida ay sheegtay xanuunkan ka dhaxashay kufsigii loo gaystay oo labada nin midkood qabay, halka faquuq ay kala kulantay bulshada o “Cuqdad ayaan qaaday, qofkasta waxaan isleeyahay adiga ayuu kaa sheekaynayaa, takoor ayaan ku qabaa bulshada”.
Waxa hadda ehel u ah bukaanka isbitaalka kula jira iyo takhaatiirta, kanina waa takoorid kale oo ay kala kulantay qoyska ay ka soo jeedo, iyadoo abaaheedna uu ka xanuunsan yahay maskaxda, .
Gudoomiyaha guddiga xakamaynta cudurka AIDs ee Soomaaliland Prof. Cabdi Jamac ayaa sheegay in daraasad dhawaan laga sameeyey dadka la nool xanuunka HIV/AIDs la ogaaday inay kor u kaceen tiradoodu, dhibaatada takoorkuna tahay tan ugu weyne ee haysata, inkasta oo ay jiraan hay’ado wacyi gelin ka sameeyey arrinta ku saabsan faquuqa haddana bulshadu weli waa caadaysatay.
Amina waxay Ergo u sheegtay oo kale in walaaca ugu badan ee hadda soo food saaray uu yahay ka dib markii maamulka isbitaalka oo hadda hoy u ahi u sheegay in dhawaan dhamaysan doonto dawooyinkii TBda, intaas kadibna ay ka bixi doonto isbitaalka, waxaana soo foodsaaraya sida ay sheegtay hoy la’aan.
Cumar Seerbiya / MH