Ilaa 4 qof ayaa lagu warramayaa iney u geeriyoodeen cudur aan la aqoon tuulooyinka Koromey, Abaq yareer iyo Waney oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Baardheere oo Gedo ka tirsan iyo Diinsoor oo gobolka Bay ah.Cudurkan ayaa calaamadihiisu ay u ek yihiin cudurrada Dabeysha iyo Duumada.Waxaana cudurkaas la ildaran 26 qof oo kale, oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn.
Dhaqaatiirta deegaanka ayaa sheegaya in xaaladdani ay sabab u tahay saxada oo liidata, helitaanka biyaha oo adag iyo afartii sano ee la soo dhaafay oo wax tallaal ah aan laga hir gelin deegaannadaas.
Nuur Cabdi oo ka mid ah dhaqaatiirta tuulada Shonqolow oo ka tirsan degmada Baardheere oo maalmo ka hor booqdeay tuulooyinkaas ayaa sheegay in calaamadaha lagu arkay dadka xanuunkan uu soo rito ay ka mid yihiin qandho, matag iyo qeybta hoose ama sare oo uu ka naafoobo, calaamadahaas oo sida uu sheegay u ek kuwa Malaariyada.
“Tuulooyinku waa baaddiye, ma heli karaan adeegyada caafimaadka, waxaa weli jira dad badan oo la xanuunsanaya cudurkan balse aan la xisaabinin amaba aan lasoo xiriirin xarumaha caafimaadka ee ugu dhow.” Ayuu yiri Dr. Nuur.
Dr. Nuur ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay waxa uu cudurkan yahay ay ku qiyaaseen markii hore in cudurka Duumada uu yahay, balse markii bukaannada la siiyay daawada aysna ku bogsaoon, kaddibna ay baaritaan labaad ku celiyeen, ugu dambeyna aan si rasmi ah loo xaqiijin balse loo maleeyay inuu yahay cudurka Maskax-garaadka.
Axmed Cumar Saalixi/FM/MRS