Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

0
Waa 120 carruur gabdho agoon  ah oo wax ku dhiganaya iskuul lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta oo ku yaalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, oo xilligan si fiican xiisadaha waxbarashada ay kaga socoto fasallada ay dhiganayaan.
Marka aan gudaha u galay albaabka hore ee iskuulka waxaa in dhahayga ay qabteen xikmado kala duwan oo ay ka mid ahayd  (Gabar wax baratay waa bulsho wax baratay) taasoo ka dhigan ahmiyadda ay leedahay waxbarashada gabdhaha.
Gabdhahan agoonta  ayaa ah kuwo heer ahaan isku da’ ah waana midda u sahlaysa inay si wanaagsan iskula jaanqaadaan, waxaana qaar kamid ah oo la hadlay raadiayaha Ergo ay  muujiyeen heerka aqoontooda iyaga oo sheegay in xilligan ay wax badan iska beddeleen noloshooda Xaawa Xasan waa 11 sano jir dhiganayso fasalka koowaad aabbeheed wuu dhintay iyadoo yar mana xasuusan karto xilligan waxaa la dhashay 5 carruur ah waxay dhigtaan dugsi Qur’aan.”Aabbe wuu dhintay ma xasuusan karo runtii waxaa ila dhashay 5 carruur ah waxay dhigtaan dugsi Qur’aan”ayay tiri Xaawa.
Fartuun Maxamed Ibraahim waxay ahayd guri joogto aan wax dhigan waxay qaban jirtay howsha guriga waa 12 sano jir hadda ka mid ah ardayda ugu fahamka fiican fasalka ay dhigato waxayna iiga sheekeesay waxbarashadeeda “Hadda wax baan bartaa markii hore guriga ayaan joogay waxna ma baran jirin hadda waxaan bartaa waxbarasho kala duwan” Fartuun ayaa tiri.
Xaawa Faarax waxay ka mid tahay ardayda aadka u jecel maaddooyinka cilmiga bulshada, tarbiya Islaamiya, iyo xisaabta waxayna uga sheekeesay raadiyaha Ergo waxbarashadeeda.
Macallimiinta waxa  u dhiga ardayda waa haween,  Sahra Yuusuf waxay ka mid tahay macallimiinta waxayna ii sheegtay in waxbarashada carruurtan agoonta ay tahay inay xilligan tahay mid aad u fiican
Maamulaha guud ee iskuulka  waxaa lagu magacaabaa  Nuurto Maxamed Caddow  waxaan weeydiiyay sida ay ku timid in lafuro iskuulkan “Waxaa la furay 2012 Agoosto waxaana xilligaasi gacan naga siiyay  hay’ad Turki ah waxaana laysku keenay gabdhaha agoonta ee deegaanka ku noolaa”
, isagoo ka jawaabaya sababta ay si gaar ah ugu doorateen in ay xannaaneeyso gabdhaha oo kaliya ayuu ku jawaabay “Waxaan si gaar ah ugu doorannay in meeshaan aysan wada qaadi karin waxaase xusid mudan in gabadha aysan la mid ahayn wiilasha waan ogahay waan arkaa wiilal koolo cabaya dhibaataysan balse gabadha ayaa ka sii xanuun badan”
Cabdulqaadir

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here