KHATARTA CEELASHA AFKA BANNAAN AY KU HAYAAN CARRUURTA

0
Photo | Carruurta ayaa ku daadata ceelasha afka banaan/Sawir/Diirshe/Ergo

Goobaha bulshada Soomaaliyeed biyaha ay ka hesho ayaa kow waxaa ka ah ceelasha gunta dhaadheer kuwaasoo aysan dabool saarnayn, bulshada Godinlabe oo 60km dhinaca waqooyi ka xigta xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusmareeb ayaa ka sheegaya inay carruurtoodu khatar ku ahaayaan ceelal dhaadheer oo ku dhexyaal xaafadaha magaalada, waxaana biyaha laga cabi jiray sanado hore xilliganna  wax nacfi ah uma leh bulshada, 3 ayaa ku dhimatay bishii ugu dambaysay, kadib markii ay ku dhaceen xilli ay ku ag cayaarayeen.

Weriyaha Ergo ee Galgaduud ayaa sheegay in ceelasha hadda ay noqdeen gorof oo aad u dhaadheer, una qodan hoos ilaa 15 – 20 mitir ayaa tiradoodu ku sheegaya boqollaal ceel oo noqday kuwo guray, kadib abaaro muddo dheer isaga dambeeyey deegaannada iyo dadkii oo aan waqtigaan isticmaalin ceelasha, iyadoo Godinlabe hadda ay leedahay laba ceel oo biyaha matoorro ka soo saaraan, kuwaasoo daboolay baahiyihii loo qabay ceelasha gacanta lagu dawlisto.
Canab Cali Dhagawayne oo wiil ay eeddo u tahay oo toddoba sano jir ahi uu laba bilood ka hor ku dhintay mid ka mid ah ceelashaas afka bannaan ee dagmada ku yaal ayaa Ergo u sheegtay in dhibaatada ay arrintaasi u keentay dhaxalsiisay cabsi ah inay deegaanka ka guurto, iyadoona u baqaysa carruurteeda kalena in dhibkaasoo kale soo gaaro.
 “Wiilka toddobo jir buu ahaa adeeg ayaan meel uga dirsaday ceel ayuuna ku dhacay markan waynay ayaa la raadiyay, kaddibna kabihiisii ayaa la arkay iyagoo ceelka dushiisa saaran, sidaas ayaana lagu ogaaday inuu ceelka ku dhacay, kaligiisna kuma dhimane dadkale ayaa ku dhacay ceelashan afka bannaan, ayey tiri Canab Cali.
Xasan Cali Cusmaan wuxuu isna ka mid yahay waaliddiinta ay carruurtu kaga dhimatay ceelashan afka bannaan oo degmada Godinlabe ku badan wuxuu ka hadlayaa qaabka wiilkiisa uu ceelka ugu dhacay iyo dhibaatada dadka deegaanku ku qabaan ceelasha afka bannaan.
Cabdiyare Macalin Qase waa guddoomiyaha degmada Godinlabe  wuxuu sheegayaa in ceelashan ay aad degmada ugu badan yihiin ayna isku dayeen inay wax ka qabtaan balse ay u baahan yihiin in lagu gacansiiyo.
Dirshe/MH

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here