QOYSAS KA QAXAY DAGAALKII TALEEX

0

Kumannaan qoysas ah ayaa guryahoodii oo ku yiil deegaanka Taleex ee gobolka Sool ka maqan in ku dhow toddobaad kadib markii ciidamada labo maamul oo is diiddan ay ku dagaallameen degmada.

Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah caaqillada deegaanka ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in 9,000 oo qoys oo ku qaxay tuulooyinka ku dhow degmada ay dibad-yaal yihiin shan maalmood.

“4,000 kun oo dadkaas ka mid ah waxay u qaxeen tuulada Xalin, 4,000 oo kalena waxay u kala qaxeen Dhumay iyo Gogoshii Qabe, halka 1000 kalena ay u qaxeen tuulooyin kale,” ayuu yiri caaqilka oo la hadlay Raadiyoow Ergo.

Caaqil Maxamed wuxuu intaa ku daray in dadka barakacay aysan heysan, hoy, cunto iyo weliba biyo nadiif ah xilli roobka deyrta oo deegaanka ka da`aya uu sii xumeynayo nadaafadda deegaanka.

Waxaa tuulooyinka dadka ay u barakaceen laga soo sheegayaa in kiisas la xariira duumada iyo weliba shuban biyood, iyadoo Caaqil Maxamed Cabdullaahi uu ka digayo in xaaladda caafimaad ee dadkaas ay sii xumaan karto.

Maxamed wuxuu intaa ku daray inaysan jirin hay’ado gargaar oo deegaanka ka howl-galaya. Dadka guryahooda ka qaxay ayaa weli cabsi ka qaba inay dib u noqdaan maaddaama aysan jirin heshiis rasmi ah oo ay gaareen dhinacyada dagaallamay.

Ugu yaraan todoba qof ayaa lagu dilay, 15 kalena waa lagu dhaawacay dagaalkaas oo khamiistii dhacay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaana hadda booqasho ku jooga degmada Taleex ee gobolka Sool.

Khaatumo oo la dhisay sanadkii hore, Puntland iyo Somaliland ayaa wada sheeganaya maamulka deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Cabdikariim Olol/MR/FM

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here