Waxaa gobollada dhexe la socda barnaamijyo baraarujin ah oo dadka looga wacigelinayo harlis cudurka HIV/AIDSKA. Barnaamijkan oo salka ku haya ka ambaqaadista maalinta caalamiga ah ee1da Dosembar oo loo asteeyay iney ahaato maalin bulshada looga wacigelinayo cudurkaas iyo qaabka loola dhaqmo dhibanaha cudurkaas la nool.
Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb oo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay lagu arkay dhawr kiis oo ah jeermiska cudursidaha HIV-ga ayaa ka mid ah meelaha wacyigalintu ka socoto, waxaana maanta lagu qabtay kulan ay ka soo qaybgaleen dhakhaatiir iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah, iyadoo dadwaynaha lagu dhiiri galinayo inay sameeyaan taxadar la xiriira ka hortagga fidista cudurkan.
Daahir Cusman Wehliye waa Madaxa xafiiska Bishacas ee Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah meelaha wacigalintu ka soocto, wuxuuna raadiyaha Ergo uga waramay ololaha ay wadaan.
“waxaan maanta samaynaynaa olole aan bulshada ku wacyigalinayno cudurka Aids-ka, kaas oo dhibaato ku haya bulshada adduunka, bulshada Afrikanka iyo tan Soomaaliyeedba, maadaama cudurkanm aan xaruntan aan ku xaqiijinay, wacyigalintan oo aan ku soo celcelino ayaan maanta sii labo jibbaaraynaa maadaama asbucan si gaar ah loogu asteeyay” ayuu yiri Daahir Cusman.
Sidoo kale bulshada ayaa loo jeedinayaa farriimo ku aaddan la tacaamulka dadka la nool cudurkan, iyadoo shaqaalaha caafimaadkana lagu wacyi galinayo inay ka taxadaraan qalabka ay isticmaalayaan, taas oo imminka ahmiyad inay leedahay loo arko.
Xuseen Xaaji Buulle oo ka mid ah hawlwadeena caafimaad ee Cadaado ku nool ayaa isaguna ka hadlay arrintan.
“cudurkan deegaanka waa lagu arkay bulshaduna kuma baraarugsana marka khatartaas ayaa ii muuqata, waxaana haboon in taxadar ay sameeyaan shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan marka qof dhiig laga shubayo sifiican in loo huniyo caafimaadkiisa iyo qalabka la isticmaalayaba, sidoo kale waxaa haboon in la hagaajiyo la dhaqanka qofka cudurkan qaba oo aan la takoorin” sidaas waxaa jir Xuseen Xaaji Buulle.
Cabdulllahi Yuusuf Dhoore waxa uu ka mid yahay dhallinyarada maanta wacyigalintan loo samaynayo waxa uu sheegayaa in tani ay faa’iido u leedahay bulshada maadaama gobolka Galgaduud lagu arkay cudurkan.
Somalia waxa ay ka mid tahay waddamada uusan ku badneyn jeermiska cudurka AIDS-ka, waxaana dhakhaatiirtu ay aaminsan yihiin in wacyigalintan ay kaalin ka qaadan karto xakamaynta fidista cudurkan dilaaga ah.
Diirshe/MR/MRS