Shuban iyo duumo laga cabsi qabo in ay ka dilaacaan beledxaawo

0

Howl-wadeenno caafimaad oo ku sugan degmada xuduudda ku taal ee Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka digaya in cudurrada shubanka iyo duumada ay ka shashaan biyaha wasaqeysan ee roobka deyrta uu magaalada dhigay.

Roobka deyrta oo dhawaanahan ba ka da’ayay magaalada ayaa biyo wasaqeysan dhigay waddooyinka, suuqyada iyo goobaha kale ee dadweynu ku kulmaan, taas oo halis weyn ku ah faya-dhowrka deegaanka.

Agaasimaha isbitaalka Balad-xaawo Maxamed Cali ayaa sheegay in dadka deegaanka ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurrada ka dhasha nadaafad darrida iyo biyaha wasaqeysan.

Weriyaha raadiyoow Ergo ayaa sheegaya in nadaafadda degmadu ay tahay mid mar walba oo roob da’o laga wel-welo, sababtoo ah biyo wasaqeysan ayuu roobku dhigaa gudaha magaalada.

Agaasimaha isbitaalka degmada Beled-xaawo wuxuu sheegay in hadda ay hayaan hal dhacdo oo maleynayo in uu yahay cudurka shubanka. Wiil yar oo miyir la’aan ah oo lagu arkay astaamaha cudurka shuban-biyoodka ayaa isbitaalka yaal. Sheybaar iyo tijaabooyin laga qaadayna waxaa loo diray magaalada Nayroobi bal si loo xaqiijiyo nooca cudurka.

Haddii ay hubaal noqoto, oo cudurka shuban biyoodku ka dilaaco magaalada waxaa sahlan si deg deg ah uu ugu dhex fido bulshada sababtoo dadku badidood waxa ay biyo ka cabaan ceelal laga yaabo in aysan nadiif aheyn.

Buuraha duleedka koofureed ee magaalada Balad-xaawo ku yaal ayaa biyaha kusoo roga deegaanka. Dhowr jeer oo hore dadka degmada Balad-xaawo waxa ay codsadeen in laga caawiyo dhismaha kanaallo biyaha ka leexiya magaalada, welise laguma guuleysan in kanaallo noocaas ah la dhiso.

Maxamed Macallin Aadan/MR

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here