Roobabka duufaanta watay ee ka da’ay deegaannada xeebta ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa biyo wasaqeysan ku shubay il biyoodyada degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.
Maxamud Abshir oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in daadadka oo qasin iyo wasaq badan wata ay ku shubmeen ceel biyoodka ugu weyn degmada Jarriiban oo ay aad u isticmaalan dadka iyo xoolahaba. Ilo biyoodyo kale o ku yaal duleedka magaalada ayaa sidoo kale roobabku biyo wasaqeysan dhigeen.
“Biyaha wasaqeysan magaalada oo dhan bay xireen, oo meel walba bay yaallaan, waxaana jira astaamo muujinaya caafimaad darro,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlay weriye ka tirsan raadiyo Ergo oo booqday degmada.
Maxamuud wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanku halis ugu jirraan cudurrada ka dhasha biyaha iyo nadaafad darrida deegaanka ee ay ka mid yihiin shubanka iyo duumada.
Si kastaba, howl-wadeen caafimaad oo horey uga tirsanaa isbitaalka degmada oo la yiraa Cabdulaahi Cali ayaa raadiyo Ergo u sheegay in labadaas cudurba ay horey uga dillaaceen degmada oo ay jiraan bukaano dhowr ah oo la il-daran. Carruur ayey u badan yihiin bukaanada ay duumada iyo shubanku soo riteen.
Laakiin Cabdullaahi wuxuu nasiib-darro ku sheegay in dadka buka aysan magaalada ka heli Karin daawada ay u baahan yihiin sababtoo ah isbitaalka magaalada ayaa u xiran daawo la’aan.
Isbitaalka degmada oo ay bulshada deegaanka dib u fureen sanadkii hore ayaa xirmay kadib markii la waayay dhaqaale iyo daawooyin lagu socod-siiyo howsha. Cabdullaahi wuxuu sheegay in xitaa howl-wadeennada caafimaad ee sida tabarrucaada ah uga howl-geliyay isbitaalka ay isaga tageen kadib markii ay waayeen daawooyin bukaanada la siiyo.
Burhan/MR/MRS