Cudurro aan la aqoonsan oo ka dillaacay xeebaha gobolka bari

0

Dad ka badan 50 qof ayaa la xanuunsanaya cudurro aan la aqoonsan oo ka dhashay xeebaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo ka mid ah deegaannada ay saameynta weyn ku yeesheen daadadkii gobolkaas ku dhuftay.

Cudurrada oo ka dillaacay deegaanka saddex maalin ka hor ayaa wel-wel ku beeray dadka deegaanka oo  ku howlan sidii loo aqoonsan lahaa noocyada cudurrada iyo daawooyinkooda.

Cali Mire Xuseen oo guddoomiye ka ah deegaannada xeebaha Bari ee Puntland ayaa sheegay in dadka ugu badan ee cudurku uu ku dhacay in ay ku nool yihiin tuulo-xeebeedka Tooxin. Dadkaas ayaa isugu jira carruur iyo dad waaweyn labadaba.

Isagoo sharxaya astaamaha cudurrada Cali wuxuu sheegay in mid ka mid ah cudurrada uu bukaannada ku ridayo cuncun iyo is-xoqid kadibna bahallo ay kasoo baxayaan jirka bukaanka. Cudurrada kalena wuxuu wataa madax xanuun iyo sankadhiig.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin dad u dhintay cudurka, laakiin dadka deegaanka waxa ay muujinayaan macquul ahaanshaha in dad badan dhintaan maadaama aysan jirin wax dawo ah oo bukaanada la siiyay. Tuulo-xeebeedka Tooxin ma leh wax xarumo caafimaad ah. Si kastaba, howl-wadeenno caafimaad oo ka socda hay’adda bisha cas oo isku dayaya in ay aqoonsadaan cudurrada ayaa hadda ku sugan tuulada.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la yiraa Cali Muuse Sagaar ayaa raadiyo Ergo u sheegay in maraakiib shisheeye horey tuulada ugu aaseen sun iyo haraadiga warshadaha dalalka horumar oo ay qeyb ka noqon karto haraadiga Nukliyeerka. Wuxuu Cali sheegay in marwalba oo uu roob xooggan ka da’o deegaanka wasaqdaas dibadda u soo baxdo kadibna ay sabab u noqoto cudurro aan la aqoonsan oo deegaanka ka dhasha, kuna faafa.

Khadra/MR/MRS

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here