In kabadan 3,000 Card oo ay ka muuqanayso caalamadda Hay’adda cunada aduunka ee WFP oo ah kuwa been abuur ah laga qaybiyya kaamamka ay ku noolyihiin dadka barakavayaasha oo ku yaalla duleedka Muqdisho deegaanada Sarkuusta Asluubta tabeellaha Sheekh Ibraahim iyada oo loo sheegay barakacayaasha in ay ku helayaan raashin bila ah iyada oo loo qaybiyay dadka gar-gaar sugayaasha ah oo cid walba oo albaabka ka soogala kaamka ay ku noolyihiin u arkaan samafale balse tani waa mid ka duwan waa xaalad la abaabulay lagana beensheegay WFP waxaana shaqsigan qaybiyay Cards oo watay ciidamo xooggan, gaadiid matalayana WFP lagu magacaabaa Maxamed Aadan.
Nuureey Amiin waa hooyo 50 sana jir ah muddo ka badan sanad maysan helin wax gargaar ah hadda waxa ay gacanta ku ahystaa 2 card oo ka muuqato astaamaha WFP raja wayn ayay lahayd oo waxa ay filaysay qaadasho raashin bila ah sida ay u sheegtay raadiyaha Ergo”Waxaan helay 2 card waxaana raja qabay in aan ku qaato raashin laakiin xilligan waxba mahayo”ayay tiri Nuuraay Amiin
Maxamed Daahir Yuusuf waxa uu deggan yahay kaamka Mooyaale oo ku dhaw xarunta Asluubta waxa uu gacanta ku haystaa kaar waxa uu u sheegay raadiyaha Ergo sida ay wax u dhaceen iyo qaabka kaarrarka ay ku qaateen.”Dalladahan waxaa loo keenay kaarar waxaana dadka loo sheegay in ay helayaan raashin waxaana ninkan u muuqday qof u eg mid ka socda WFP”ayuu yiri
Cabdulaahi Bille Cali waxa uu helay laba kaar waxaa gacanta u saartay gudoomiyaha kaamka uu ku noolyahay waxa uu intaasi ku daray in uu arkay nin wata ciidan iyo gaadiid oo sheegaya in uu ka socda WFP rajana uu ka qabay qaadasho raashinka ay caanka kutahay hay’addan WFP sida uu sheegayo
Isha Ibraahim waa hooyo leh laba caruur ah mid kamida hadda ayay umul kula jirtaa waxa ay heshay hal kaar waxa ayna si maalin la’ah u sugaysay sida raashinka kaamka ay degantahay ee Duuraay loo keeni lahaa
Dhuuxo Cali Shire Xaashi waa guddoomiyaha kaamka Duuraay oo hoosyimaada Dalladda Aflax waxay ka mid tahay dadka la macaamilay ruuxan watay kaaraka sheegana in uu ka socdo WFP waxa uuna siiyya 300 Card una ballanqaaday ilaa 1300 card waxa ayna bixisay lacag dhan 800$ waxa ayna Ergo uga sheekaysay sida wax u dhaceen
Cabdulaahi Maxamed Nuur Qalinle waxa uu ka mid yahay dadka la socday waxa ka socday deegaanka waxa uuna sheegay in ninkan uu dadka si xooggan u howlgaliyay sida in uu sheegay in diyaarsadaan meelo loo dhigo baagaga biyaha meelo xaruma caafimaad looga dhiso maalma kadibna uu la soo laabtay in la aqbalay raashin degdeg ah kaarar farabadana uu keenay deegaanka dalbadayna lacago uu ku sheegay howlgalka ciidanka loo baahan yahay dadkana laga qaado sidaasina lacaga farabadan uu ku helay.”Wax badan ayuu sheegay sida in loo samaynayo meelo biyaha laga helo maalma kadib waxa uu la soo laabtay in uu soo helay raashinkii kaararka ayuuna bixiyay asaga oo lacaga ka qaadaya horjoogayaasha” Cabdulaahi Qalinle ayaa yiri.
Haddaba mar aan ku wareysannya studiyaha raadiyo Ergo ee magaalada Nairobi sarkaaladda warfaafinta ee hay`adda WFP Layla Ali waxay tiri “Markii ugu horaysay laba todobaad ka hor ayey ahayd markaan maqlnay in dad iska dhigaya shaqaale WFP ah ay iibinayaan kaarar, waxaan ku leenahay xarrumo raashin bisil lagu kariyo, oo qofkastoo cunto u bahan uu tegi karro, marka qofkii barakace ah ama baahan wuu tegi karaa, waana la siinayaa cunto, mana jirto wax kaadh ah oo looga bahan yahay, dadkii lacagta looga qaatay kaadhadhka been abuurka ahna ha u sheegeen dawladda si ay xaqoodii ugu raadiso”
Haddaba sidii ayay ku aamineen in ay bixiyaan lacagaha mase jirtay xafiisyo lageeyaya oo ay leedahay Hay’adda WFP ninkana uu teleefoonka ka qortay boorarka uuna ku qaabilay kaamamkooda lacagahana uga qaatay isla kaamka”Waxaa arrintan ku aaminay anaga ma jirto hay’ad xafiis na gesyo waa noo imaan jireen kadibna waa na soo wici jireen marka maba jirto cid xafiis nagu qaabisho sidaasi ayaana ku aaminay”Dhuuxo Cali ayaa tiri
Maxamed Aadan xilligan waxaa gacanta ku ahya ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya waxaa ka socota baaritaan arrimahan salka ku haya iyo sida ay ku bilaabatay in barakacayaasha oo u qaybiyaya kaarka beenta ee WFP.
Abdulkadir/MH