Waxaa toddobaaddadii la soo dhaafay aad u soo shaac-baxay waraaqo been abuura oo dad tugo ah ka iibinayaan dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalda Muqdisho.
Dadkan tuugada ah ayaa isticmaalaya magaca Barnaamijka Cuntada Aduunka (WFP) ee Qaramada Midoobay iyagoo kaarar been abuur ah dadka reer Muqisho ka iibinaya una sheegaya iney cunto bilaash ah helidoonaan. Hay`adda WFP taaso ayaa cambaareysa falkaas iyo isticmaalka magaceeda, waxayna WFP ku tilmaantay arrintaas mid dhac loogu geysanayo dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxayna horey uga digtay dadweynaha iney ka digtoonaadaan arrinkan sharci darrada ah iney oggaadaan.
Stefano Porretti, Madaxa Xafiiska WFP Soomaaliya ayaa mar uu qabtay shir jaraa`id mar sii horreysay oo arrintan ku saabsan ayuu wuxuu welwel ka muujiyay arrintan, wuxuuna uga digay kuwa doonaya inay ka faa’iidaystaan xaaladda adag ee dadka liita ay ku sugan yihiin, kuwaasoo horayba u dhibbanaa, sidaas si la mid ahna u cambaareeyay kuwa geysanaya falkaas.
Haddaba waxaa waajib ku ah qof kastaa ee damiir leh, ha noqdeen dad gaarah, hay`ado amaba xukuumadda Soomaaliya ineyan marnaba oggolaan tallaabadan khaldan.
MRS