Qaramada Midoobey oo ay wada-hawlgalayaan Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) ayaa suxufiyiinta ku martiqaadaya in ay soo gudbiyaan sheekooyin (barnaamijyo iyo maqaallo) bidhaaminaya oo sharxaya arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada si ay uga qaybgalaan
tartanka Abaalmarinta Saxaafadda Soomaalida ee 2013.
Abaalmarinta ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo tayo-sarreynta, raacidda mabaa’diida saxaafadda wanaagsan iyo xaalad u habboonaanshaha waxyaabaha saxaafaddu baahiso. Waxaa abaalmarintan looga danleeyahay in lagu aqoonsado gacantii ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ka geysteen kor u qaadidda wacyiga dadweynaha ee ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada waxaana la guddoonsiinayaa suxufiyinta Soomaaliyeed ee ku shaqeeya Af- Soomaaliga iyada oo danta laga leeyahayna ay tahay in lagu dhiirrigeliyo saxaafad xooggan, firfircoon oo mas’uul ah si ay uga faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Abaalmarinta Saxaafadda Soomaalida ee 2013ka maantadan daaha looga rogayo Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa,” ayaa uu yiri Madaxa QM iyo Xiriiriyaha Bani’aadamnimada, Philippe Lazzarini. “Suxufiyiin tababar wanaagsan qaba oo maskax wax falanqeysa leh ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed siin kara macluumaadka ay ugu baahan yihiin u ololeynta kobcinta dhaqaalaha, xisaabtanka iyo daah-furnaanta.”
Waxyaabaha looga qaybgelayo tartanka waa in la soo gudbiyaa ugu dambeyn 6da Nofembar 2013. Kuwa abaalmarinta ku guuleysta ayaa lagu dhawaaqi doonaa oo abaalmarintana la siin doonaa maalinta Xuquuqda Aadanaha ee 10ka Disembar 2013.
Sheekooyinka/barnaamijyada guuleysanaya waxaa soo xulaya guddi xeer-beegti ah oo ay ka mid yihiin suxufiyiin waayo-arag ah, wakiillo ka socda saxaafadda iyo khubarro dhinaca war-isgaarsiinta ah oo ka socda QM. Kuwa ku guuleysta qayb/nooc kasta oo abaalmarin lagu bixinnayo waxaa ay heli doonaan abaalmarin ka kooban qalab saxaafadeed iyo shahaaddo sharaf.
Sidee looga qaybgeli karaa tartanka?
Dhammaan suxufiyiinta u qalma/xaqa u leh ayaa lagu martiqaadayaa in ay soo gudbiyaan sheekooyinka ama barnaamijyada ay kaga-qaybgalayaan ee ku saabsan mid ka mid ah qaybahan
abaalmarinta lagu bixinayo:
– Arrimaha dheddiga iyo labka (Gender)
– Carruurta iyo dhallinyarada
– Helidda adeegyada aasaasiga ah
– Saxaafadda baarista/dabagalka la xiriirta
Waxyaabaha tartanka looga qaybgelayo waa in e-mail loogu soo diraa cinwaanka e-mail-ka
ee somalimediaawards@gmail.com ugu dambeyn 6 Nofembar 2013 habeen-barka (GMT + 3).
Shuruudo guud:
• Waxyaabaha tartanka looga qaybgelayo ee la soo gudbinayo waa in ay ahaadaa Af-
Soomaali; ka-qaybgalka (barnaamijyada iyo sheekooyinka) lagu soo gudbiyo Af-Ingiriisi
lama aqbali doono.
Guddiga xeer-beegtida ayaa qayb kasta ka soo xuli doona qofka guuleysta iyaga oo u eegaya: habboonnaanta iyo muhiimadda mowduuca la qaatey; tayada iyo asalnimada hab-saxaafadeedka la adeegsadey; saxnaanta hawsha baaritaanka/dabagalka ah; dadaalka la geliyey soo gudbinta sheekada/sheekooyinka; dhex-dhexaadnimada iyo eex-la’aaanta; dheelli-tirnaanta iyo raadka wanaagsan ee ay reebi karto/karaan sheekada/sheekooyinka.
Xeer-beegtidu waxaa ay mudnaan siin doontaa barnaamijyada/qoraallada xal-raadinta u janjeera. Waxyaabaha la soo gudbinayo waa in ay ahaadaan kuwo ka baxay idaacad ku taalla Puntland ama Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ama lagu daabacay wargeys ama bar internet oo ka soo baxda Somaliland, intii u dhaxaysey 1dii Oktoobar 2012kii
ilaa 30kii Sebtember 2013ka.
Keliya suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya gudaha dalka ayaa ka qaybgeli kara.
Dhabbe-tusayaasha Soo-gubbinta:
Waxyaabaha looga qaybgalayo tartanka waxaa lagu soo diri karaa emailka
somalimediaawards@gmail.com inta u dhaxaysa 23ka Oktoobar ilaa 6da
Nofembar 2013 wixii loo gaaro 00.00 GMT+3.
Waxyaabaha looga qaybgelayo tartanka waa in ay qaabkan u sameysan yihiin:
Puntland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya; barnaamijyada idaacadeed; nuqul elektaroonik ah oo ku diyaarsan MP3 ama qaab kale oo lagu dhegeysan karo windows media player. maqaal: qoraal loo diyaariyey qaab Word ama Pdf iyo sawir/daabacaadda shaashadda (picture/screen print) ee maqaalka waqtigii la baahinayey.
Ka-qaybgal kasta waa in uu la socdaa Foomka Soo-gudbinta oo ay buuxiyeen suxufiga iyo cidda baahisey/publisher. Marka ay soo gudbiyaan foomkan, suxufiga iyo baahiyaha/daabacaha waxaa ay oggolaanayaan in Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliyeed ay dib u soo saari karto ayna baahin karto hawsha/maqaalka loo soo gudbiyey haddii danta laga leeyahay ay la xiriirto Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliyeed. Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliyeed xuquuq uma laha in ay hawsha loo soo gudbiyey ay ka iibiso cid saddexaad.
Haddii koox ay ka wada-qaybqaadatey qoraalka, magacyo kale ayaa lagu dari karaa dhammaanka foomka soo gudbinta.
Cinwaannada
Macluumaadka ka eeg halkaan.
UNDP: Ane Birk-Kamara, Gender Programme Analyst;
Email: ane.birk@undp.org, Mobile: +254 7 1801 6529
UNFPA: Fitsum Habtemariam, Communications/Media officer
Email: habtemariam@unfpa.org, Mobile: +254 733 400 334
NUSOJ: Mohamed Ibrahim, Xog-hayaha guud ee NUSOJ (Secretary-General),
Email: mohamed.ibrahim@nusoj.org.so Moble: +252 615 889 930
SOLJA: Mohamed-Rashid Muhumed, Xog-hayaha Guud ee SOLJA (Secretary-General)
Email: slsolja@yahoo.com, Cell phone: +252 634000277