Barkacayaasha Muqdisho ku qanciyaan inay dib ugu noqdaan deegaannadoodii

0

Xilligan waxaa jira qorshooyin ay wadaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo doonaya sidii dib loogu celin lahaa dadka ku firirsan xerooyinka barakaca ee magaalada Muqdisho.

Aqoonyahannadaan ayaa wada kulamo loga arrinsayo xaaladda barakacayaasha, kulamadaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada, waxaana arrinta ay salka ku haysaa in aan loo deyn keliya hay’adaha iyo horjoogayaasha balse wax garadka ay kaalin ka qaataan howsha ah in barakacayaasha dib loogu celiyo deegannadoodii.

Pro Ibraahim Muuse Heerow oo macallin ka ah Michigan University oo ku taal waqooyiga America kana dhiga cilmiga arrimaha bulshada oo ka mida aqoonyahannada isu xilqaamay howshan ayaa u sheegay Raadiyaha Ergo in dadkan ay yihiin kuwa la kulmay dhibaatooyin badan haddana ay ku bad baadeen balse xilligan ay muhiim tahay in dadka la celiyo oo dib u bilaabaan noloshoodii “Dadku waxay u baahn yihiin in noloshooda u madax banaannaadaan si ay ula soo laabtaan noloshooda”.

Xerooyinka ugu waaweyn ee dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin ee ay aqoonyahanaddu kala hadleen qaarkood waxaa kamida xerada Badbaado iyo Rajo halka qaar kalana ay ku nool yihiin dhul ballaaran oo ah duleedka magaalada Muqdisho sida Tabeelaha Sheekh Ibraahin, Asluubta Ex control Afgooye iyo hareeraha Jaamacaddii Gahar iyo Umadda.

Aqoonyahannada waxa ay sheegeen in arrintan ay ku doonayaan in dadka loo abuuro xirfadihii ay lahaayeen sida beeralleyda, halka kuwii xoolaha lahaana laga taageeri doono xoolihii sida ariga geela iyo lo’da, halka qaarka kalana la doonayo in laga taageero ganacsiyo in loo abuuro sida uu sheegay Pro Ibraahim Muuse Heerow waxa uu intaasi ku daray in dhalinyarada loo abuurayo xirfado sida xirfadaha gacanta.

Xildhibaan Cismaan Mukhtaar Miirow oo ka tirsan baaralamaanka Soomaaliya ayaa yiri “Muddo ayaan isha ku haynay nolosha dadkaan,, waxaanan aragnay inaan laga run sheegayn, xaaladoodana aan si dhab ah loo wajahayn, ayna hortaagan yihiin horjoogayaal, taasaana hadda keentay in wax garadka iyo dakda barakacayaasha metela ay kawada hadlaan sidii dib loogu celin lahaa oo aysan ku noqon xeryaha dhibbanayaal”

Haddaba xilligan ma jirtaa tiro sax ah oo lahayo tirakoobka barakacayaasha xerooyinka Muqdisho wuxuu sheegay in xilligan ay si sax ah kaga hordhacayn laakiin ay doonayaan in dadka sawirro laga qaado lana buuxiyo forms taasina ay keeni doonto in lahelo tirada saxda ah waxa uuse sheegay in ay jiraan caqabada badan sida barakacayaasha oo dadka ka dhigtay meel in ay ku noqdaan la haystayaal marka gargaar la keenana ay horjoogayaashu yihiin kuwa faa’idada ugu badan ka hela iyagana aysan wax buurani gelin gacantooda ayuuna hadalkiisii ku soo gebagebeeyey Prafisoor Xeebow .

Arrintan waxay tahay sababaha soo dadajiyey xilligan in aysan jirin abaaro oo labadii fasal ee la soo dhaafay oo dhulkoodii nimca ahaa islamarkaana aysan jirin wax abaara ah oo xilligan jira “Xilligan beerihii aad bay u fiicanyihiin oo waxaa soo go;ay khayraad badan, sidoo kale nacfiga xoolaha laga helaa marka sidaasi ayaa muhiim u tahay in dadka la soo celiyo ayna soo saartaan kheyraadka dhulkooda.

Abdulkadir/MH

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here