Xilligan oo ah jiilaal dadka iyo duunyaduba ay baahi wayn u qabaan helitaanka biyo nadiif ah ayaa waxaa deegaanno dhawr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa ka jirta biyo la’aan, iyadoo dadka deegaannadaasina ay ka soo yeerayso qaylo dhaan arrintaasi la xiriirta.
Deegaannada Maarsamage iyo Deey oo jihada bari magaalada Cadaado kaga beegan ilaa 130-Km ayaa ka mid ah deegaannada biyo la’aantu ka dhacday ka dib markii ay gureen ceelal gacmeedyadii ay dadkaasi isticmaalayeen oo markii horeba biyohoodu ahaayeen kuwo aanan la cabbi karin.
Qaar ka mid ah dadka deegaannadaas ku nool ayaa raadiyo Ergo uga warramay biyo la’aanta jirta, iyagoo codsaday in lagu caawiyo helitaanka biyo nadiif ah oo ay ku noolaadaan.
Nadiifo Xasan Barow oo ka mid ah dadka deegaanka Maarsamge ayaa ayaa Idaacadda Ergo u sheegtay in deegaankaas uu yahay mid aan lahayn ceelbiyood dadkuna ay dhibaato xoog leh ka haysata sidii ay biyo u heli lahaayeen.
Sidoo kale Maxamuud Cali Aadan oo ka mid ah odayaasha s Maarsamage ayaa isna sheegay in halkii fuusto ay ka marayso 40-kun oo shilin Soomaali ah oo laga keeno deegaanno ka fog midka ugu dhowna uu u jiro 35-Km, ka dib markii ay gureen ceel gacmeedyadii oo markii horeba biyohoodu aanu wanaagsanayn.
Tuulooyinka ay biyo la’aantu ka jirto ayaa dadka ku sugan waxa ay ku nool yihiin biyo ay booyado uga keenaan deegaano ka durusan, kuwaas oo dad badan aysan iibsan karin, iyadoo mararka qaarkoodna la waayo kuwa ay booyaduhu keenaan.
MD/MR/AM