Dr Axmed Jaamac; Ilaahay uun baa horta cudur cidhib tiri kara laakiin waxay noqon kartaa cidhib tirka marka la leeyahay in dadka aqoontooda wacyigelineed kor loo soo qaado oo la fahamsiiyo dhibtaadada uu cudurkaasi uu keeno markay arkaan dhibtaada uu keeno ayey ka gaashaaman karaan siday uga hortagilahaayeen cuduradaasi la cidhibtirayo.
Su’aal: haddiiba la yidhaahdo cudur waa la cidhib tiray maxaa sababa in uu soo noq noqdo?
Dr Axmed: waxaa sababa waxa dhaca hadaan soo qaato Somaliland cudurka dabaysha lix sannadood laguma arag cudurka sababtuna waxay ahayd talaalka oo si caadi ah oo joogto ah u socday , waxa dhacday in uu ka dilaacay xamar oo xamar lagu arkay oo muddadii bishii Luulyo laga soo tallaalay ayaanu ka baqannay in uu noo soo gudbo oo dadku Somaliland iyo Somaliya waa laysku socdaa oo xuduuddu way isku furan yihiin dadku ama baayac mushtari ha ahaadaan ama qoysasku tiiyoo aanu taa ka baqayno oo aanu dhagaha taagayno ayaa Laascaanood laga helay mid kale booliyo malaaytis qofkaasi tallaal ma qaadan sidaasi ayuu ayuu ku saameeyay sidaasi ayaa nagu kalliftay in markaa aanu imaka dib u bilawno talaalkii.
Su’aal: Inta badan talaal la’aanta ayaa keenta baa la yidhaahdaa in ay xanunadu soo noq noqdaan haddana waxa jirta in goobo tallaalka laga fuliyey lagu arko cudurka dabaysha sabab?
Dr Axmed: Waxa weeyaan kolay dee hooyada iyo aabuhu sidayu fahamsan yihiin cudurrada ayey carruurtoodada talaalka wada geeyaan waxa dhacda qoysas na diida oo na yidhaahda lama talaalayo ama in uu ninkii tagay markaa gabadha ugu timaado aroornimada guriga ee aad ku tidhaahdo ilamaha keen ha la tallaalee, aabahood ayaa yidhi carruutayda hayga talaalin taasina mushkilad ayey nagu haysaa.
Su’aal: hore waxaad u soo sheegtay in dalka Somaliya ee aynu jaarka nahay dhacdooyin Polio-da laga helay imise dal oo waddamada jaarka ah ayuu ka jiraa baad isleedahay ?
Dr Axmed: dee waxa uu ka jiraa Nageria waa lagu sheegay Kenya waa lagu sheegay Yemen waa lagu sheegay waxa jira dhacdo inta uu Nageria ka soo duulay Cadan tagay , marka uu cadan tagay Cadan ayuu ku dhacay , inta uu inaga inooga yimi qoladan xoolaha qaada ayuu hadana Burco ku dhacay, taasna walaahi dhibaato badan ayaa naga soo martay, ta ugu badana waxa weeye hooyada iyo aabaha ilamaha dhalay diida yaal ah ayaa jira, imaka waxa jirta in ay wasaaraddu go’aan ka gaadhi doonto oo laga soo saari doono qoraal baarlamaankana laga ansixin doono markaa aan laga yeeli dooni qof tallaal.
Su’aal: Qoraalkaasi markaa ma siyaasad ayuu noqon doonaa lagu dhiqi doono talaalka ?
Dr Axmed : kolay Policy-ga wasaaraddu ayuu ku jiraa oo waxa jirta in la gaadhi doono ilamaha aan kaadhka talaalka sidani in aan iskuulka la qorin marka uu Primary-ga imanaayo lagu xidho kaadhkii talaalka ma haysataa haddii uu haysto la qoro haddii aanu haysana aan la qorin.
Su’aal: ugu horayn haddii aynu dib ugu soo noqono dadka qaar ayaa waxay isweydiinayaa waa maxay Polio? Maxaad isleedahay way tahay Polio ?
.
Dr Axmed: Polio waa cudur ku dhac caruurta shanta sanno ka yar waxaana keena Virus Viruskaasi waxa uu ilmaha ku keenaa dhibaato curyaannimo ah oo gacanta iyo lugta ayaa bakhtida oo awooddeedii ka lumaan , markaa wax kale oo lagu daweeyaa ma jiree talaal ayuun baa lagaga hor tagi karaa haddii uu ilmuhu curyaan noqdona dee dhibaatadii waxay ku soo noqonysaa waalidka sidii uu u daryeeli lahaa sidii uu qaadi lahaa sidii u xanaanayn lahaa dhibaatadu taas ayey keeneysaa, markaa malaa waxa ka haboonaan lahayd hooyado taas iyada oo arkaysa in malaa ilmaheeda ay laba dhibcood oo ay ilmaheeda kaga badbaadiso cudurka dabaysha inay siiso.
Tusaale ahaan hadaan soo qaato carruurtu markay gaadhaan Pre- school child-ka markay Intermediate ka ahaadaan ama Elementary ahaadaan kubad ayey ciyaaraan inanka dabashu ku dhacday dharka iyo kaba ayey u dhiibtaan carruurta kale isaguna halkaasi ayuu fadhiyaa.
Su’aal: sidee layskugu gudbiyaa xanuunka Polio-ada ?
Dr Axmed: Xanuunkan Polio-da saxaarada ayaa marka ugu horaysa uu ku gudbaa ay tahay xantafta qofka yar ee buka ayuu ku gudbaa markaa labada ugu muhiimsani waa saxarada iyo xantafta ilmaha kale ku dhacaysa ayaa ugu muhiimsan , matalan haddii uu ilamaha yari uu Polio qabo oo uu aqal joogo booga ayey ku wada fadhiisanayaan , saxaradu dee gacanta way soo gaadhaysaa gacantiina ilmihii ayaa waxa lagu siinayaa markaa calaamadahaasi xumaad ayuuu yeelanayaa fatiik ayuu noqonayaa ,daal , kala daadsan ayuu noqonayaa marka dambe waxa soo baxaysa xubnaha dareenka dhaq dhaqaajiya xubnihiisa ayaa soo diciifaya marka dambe waxaad arkaysaa gacantiisiiba ilmihii uu soo qaadi kariwaayo ama marka aad soo qaado ay baldhaq noqonayso markaa dawo kale ma laha ee Fisiyaratrobi yar ayaa loo sameeyaa oo duugitaan marka dambena sidaasi ayuu ilmihii ku noqdaa curyaan.
Su’aal: Dr Axmed waxaynu la wada soconaa in ilmaha shan jir ka yar uun laga tallaalo xanuunka Polio taa macnaheedu ma waxa weeyaan ilmo shan jir ka weyn kuma dhici karo xanuunkani ?
Dr Axmed: wallaahi kalmadaasi waa kalmad aad u adag way dhici kartaa dee ilmo lix jir ah ba in uu ilaahay ku keeno laakiin hadafka ugu weyni ilmaha shanjir ka ah ayuu ku kooban yahay marka la eegayo saynis ahaan ama aqoon ahaa ee looga bartay shanta sanno ayuu ku kooban yahay waxii ka weyn kuma dhici karo.
Su’aal: Dhawaan Somaliland waxay iclaamisay in olole lagu qaadayo ololahaasi mid noocee ah ayuu noqonayaa?
Dr Axmed: Waxii shaqaale wasaaradda caafimaadka oo dhan heegan ayaa la gelieyey . Heegan kaasi waxa loo geliyey ilmo kasta oo Somaliland ah oo jooga Somaliland sidii loo gaadhsiin lahaa hadafakayaguna waxa uu ahaa waanu is qaybinay oo miyi iyo magaalo ayaanu isku kala qaybinay xataa haddii aanu baabuur tagaynin dameero la kaxaysto ama awr la kaxaysto qoloda buuraha daggan oo kale la gaadho oo loo tago taasina waxay keeni kartaa shaqaale ahaan awooda ama ay wasaaradda caafimaadku u leedahay.
in ay gaadho Somalilad oo dhan taa haddi la gaadhi
Nimcoayaan/MR