Ganacsato Soomaaliyeed ayaa madbacad cusub oo loogu magac daray Kismaayojet ka hirgeliyay magaalada Kismaayo, iyadoo dadka ku nool gobollada Jubbooyinka u qaban doonta adeegyada ay u baahan yihiin, maaddaama aysan hore madbacad ugu oollin halkaas.
Adeegyada ay qaban doonto madabacaddaan cusub ayaa waxaa ka mid ah, daabicista qoraallada, boorarka waaweyn ee ganacsiga, sameynta Shahaadooyinka, kaararka aqoonsiga, sameynta taarikada baabuurta iyo adeegyo kale, sida uu Ergo u sheegay Cabdisamad Cali-xaashi Geele oo ah guddoomiyaha madbacaddaan.
“Dadku markii hore ma aysan heysan meel ay qoraalladooda ku keydsadaan, gawaarida Kismaayo ma aysan lahayn taariko, hadduu gaarigu shil galo ma laha meel loo raaco, taasna keliya daabacaadda ma aha shaqadeenna ee xitaa dhanka ammaanka ayaan gacan ka geysan doonnaa.”
Dadweynaha Kismaayo ayaa soo dhoweeyay furitaanka madbacaddaan, mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan magaciisa sheegin ayaa Ergo u sheegay in markii hore haddii ay u baahdaan adeegyada daabacaadda ay u doonan jireen magaalada Muqdisho iyo dalal dibadda ah.
Dhanka kale madbacaddaan ayaa waxaa fursado shaqo ka helay dhalinyaro badan oo shaqo la`aan ahaa, sida uu mar kale sheegay guddoomiyaha madbacadda Cabdisamad. “Dhalinyarada haddii shaqo loo abuuro nolol bey helayaan, waxaana laga yaabaa inay ka horistaagto taas inay ku biiraan falalka xun xun sida dhaca iyo dilalka oo inta badan ay dhalinyaradu ku qasabto shaqo la`aanta” Ayuu yiri Cabdisamad.
Khadar Maxamuud Xareed/FM/AM