Waxaa kordhaya kiisasaska iyo eedeymaha dadka Soomaaliyeed u gudbinayaan maxkamadaha waddanka Koofur Afrika,tanoo ah tallaabo aan horay loogu aqoon Soomaalida muhaajiriinta ku ah waddankaas, in mararka dhaca iyo dilka loo geysto aysan kiiskooda u gudbin laamaha ammaanka iyo cadaaladda.
Tani waxay qayb weyn ka noqotay bartilmaameedsiga lagu hayo dadka Soomaalida ah, hadda ilaa lix gobol oo wadanka ku yaal ayey ka socdaan ugu y araan lix kiis oo dilal loo geystay dadka Soomaalid ah, iyadoona kiiska ugu dambeeyey hadda u u ka socdo magaalada Balakwana oo ku taal gobolka Libonbi, oo hadda la soo taagay 2 nin oo Koonfur Afrikaan ah laguna eedaynayo dilka laba wiil oo Soomaaliya oo la todobaad ka hor lagu dilay faas.
Guddoomiye ku xigeenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Libonbo Daahir Hilowle Xasan ayaa ka codsaday Soomaalida inay diwaan geliyaan dhibaatada loo geysto si ay u helaan hannaan sharci oo ay ku heli karaan xuquuq ilaalineed, ayna ula siman yihiin sharciga muwaadiniinta waddanka, wuxuu kaloo ka codsaday maxkamadda in gacan ku dhiiglayaasha la mariyo ciqaabta sharci ee ay istaahilaan.
Magaalada Capetown waxaa iyana ka socda ilaa lix ruux oo Koofur Afrikaan ah oo ku eedaysan inay si joogto ah dhac ugu geystaan Soomaalida tuulooyinka ku nool, iyadoo loo haysto ilaa 100 fal dembi oo dhac u badan oo ay u geysteen dad Soomaaliyeed.
Maxkamadda gobolka Eastern Cape ayaa iyana dembiile ku xukuntay bishaan June 2deedii iyadoo ninkaani uu kufsi iyo dil u geystay haweenay uurlahayd oo Somaali ah laguna magacaabo Nasro Maxamed Qammaan 14kii bishii Sebtembar sanadkii 2011kii. Yusuf Qaybdiid oo ah seyga gabadhaas la dilay ayaa yiri “1 nin ka mid ah saddexdii dishey xaaskayga mid ka mid ah ayaa la qabtay, bishaan ayaana lagu xukumay xabsi daa’in, runtii mudnaan gooni ah ayay siiyeen laamaha dembi baaristu kiiskaygaan, inkastoo laba ka mid ah aan weli la qaban”.
Soomaalida ayaa caado u leh inaysan daba gelin haddii denbi loo geysto sida dil ama dhac, tanoo keentay inay noqdaan bartilmaameed. Yusuf Qaybdiid ayaa sheegay in xanuunkii dilka xaaskiisii loo geystay aysan maskaxdiisa ka go’in, ayna dhiirri gelisay tallaabooyinka booliisku qaadeen, dhaqanka Soomaalidu ay kala yimaadeen nidaam la’aantii ka jirtay dhulkoodu ay bartay inaysan manco weyn u arkin in lala socdo laamaha ammaanka markastoo dhib ku gaaro, waana dhib u baahan in Soomaalidu iska dayso ayuuna hadalkiisi ku sii daray Soomaalida ayaa hadda ka daashay aamusnaantii.
Sheikh Siciid Axmed oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee magaladda Jooj ee gobolka Southern Cape ayaa Ergo u sheegay intii ay daba galkaan sameeyeen dadka Soomaalida ah lagu soo qabtay 30 denbiile oo ku dilay gobolka 14 qof labadii sano ee ugu dambeeyey, kuwaasoo la hor keenay cadaaladda, iyadoona 30 qof oo u dhashay wadanka oo lagu helay dilalka dadkaan lagu xukumay xabsi daa’in tanoo ah fursad kale oo siisay Soomaalida dhiiri gelin inay la shaqeeyaan booliiska, ayna daba galaan kiisaskoodii oo horay ay uga seexan jireen.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee koonfur Afrika ayaa shegtay in dawladdu u balan qaaday inay ka bixinayso Soomalida kharashaadka iyo gaadiidka inta ay socdaan baaritaannada cidda dembiyada u geysata Soomaalida, sida raadinta dembiilayaasha, qareennada iyo marqaatiyaasha oo runtii ah waxyaabaha mararkii hore caqabadaha ku ahaa dadka.
Cabdinaasir Sheekh Axmed (Saxansaxo)/MR/MH/FM/AM