120 qof oo naafo ah kuna nool magaalada Muqdisho ayaa ka faa`iideystay fursado shaqo abuur ah oo ay u sameysay hay`adda African educational trust ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.
Fursadahan shaqo abuur ayaa naafada loo soo marsiiyay machadka horumarinta naafada Soomaaliyeed, iyadoo xirfadaha la barayo ay ka mid yihiin cilaan-saarka, harqaanka, iyo cilad bixinta moobaylada.
Cabdulla Xuseen oo ah madaxa machadkan ayaa Ergo u sheegay inay rajeynayaan in muddo 3sano ay 2,700 oo naafo ah ay xirfado ay ku shaqeystaan baraan, iyagoo gacan ka helaya hay`adda Africa educational trust.
“Dadka naafada ah badankood ma heystaan shaqo, mana moodaan xitaa inay shaqeysan karaan. Waxaan rajeynayaa hadda in mustaqbalkooda ay horumarin doonto shaqo abuurkan. Waxaan ku dhiirri gelinayaa qof walboo naafo ah inuu ka faa`iideysto fursadahaan.” Ayuu yiri Cabdulla.
Dadkan naafada ah ayaa isugu jira kuwo dhega l`, indho la`, qaar gacmaha ama lugaha ka go`an kuwaasoo ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaalladii dalka ka dhacay, sida uu Cabdulla sheegay.
Naafada ayaa qaarkood mooda inaysan shaqeysan Karin oo aysan dadka la mid ahayn, Luul Osman oo baraneysay xirfadda harqaanka ayaa sheegtay in markii hore aysan qaban jirin wax shaqo ah oo ay guriga iska joogtay, balse hadda xirfaddan ay heshay ay niyadeeda wanaajineyso isla markaana ay ku faraxsantahay. “Waxaan hadda noqonayaa qof shaqeysanaya oo dadka kale la mid ah, waxaan ka helo shaqadaan waxaan ku caawin doonaa waalidkey oo ah qoys dan yar.” Ayay tiri Luul.
Xasan Macallin oo ah aabbe leh 4carruur ah, wuxuuna la`yahay lugta midi goo dagaalladii dalka uu ku beelay, wuxuu sheegay inuusan hore u shaqeyn jirin isla markaana ay ku adkeyd helidda nolol maalmeedka qoyskiisa, waxaana hadda la baray xirfadda harqaanka. “Nolosheyda hadda wax weyn ba iska beddelay wax baan bartay hadda, waxaan rabaa inaan meel yar furto oo aan ku shaqeyso kadibna carruurteyda ayaan ugu xamaalayaa.”
Cabdulla Xuseen ayaa sheegay in tiradan fursadda ka faa`iideystay ay yihiin tiro yar, balse ay rajeynayaan inay dad badan wax bari doonaan mustaqbalka. Wuxuuna ugu baaqay dadka naafada ah inay niyaddooda ka saaraan inaysan dadka la sinneyn, oo ay machadka yimaadaan isla markaana ay ka faa`iideystaan fursaddan shaqo abuurka ah ee lacag la`aanta ah.
Cabdulqaadir Cabdulle/FM/AM