380 qoys oo ka qaxay dagaalo ka dhacay bay iyo bakool

0

Qoysas Soomaaliyeed oo gaaraya 380 qoys oo ka barakacay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayaa gaaray xeryo ku yaal degmada Luuq ee gobolka Gedo labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

Qoysaskan oo u badan haween iyo carruur ayaa ka qaxay dagaalo ka dhacay deegaanada Bardaale iyo Owdiinle oo ka tirsan gobolka Bay horaantii bishan. Dagaalada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.
Qeyb kale oo ka mid ah qoysaska ayaa kasoo qaxay cabsi dagaal oo ka taagan deegaanka Xudur oo dhawaan la wareegeen Al-Shabaab kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen.

Qoysaska kasoo qaxay Xudur ayaa qaarkood shan maalmood soo lugeeyay si ay usoo gaaraan xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaal degmada Luuq ee gobolka.

Qoysaskaa horta leh waxa ay ku biirayaan 2500 oo qoys oo horey ugu noolaa xeryo ku yaal duleedka degmada Xudur oo xaaladahooda nololeed ay horey u liidatay.

Cabdi Daahir Aadan oo ka mid ah dadka deegaanadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha Luuq dhowr kii sano ee ugu dambeeyay ayaa raadiyaha Ergo in dadka soo barakacay oo lagu qiyaasayo inta u dhaxeysa 3,000 ilaa 4,000 oo ku nool aysan helin wax gargaar ah muddo ka badan lix bilood.

Cabdi Daahir Aadan wuxuu sheegay in deegaanada ay ka dilaaceen cudurada malaariyada iyo shuban biyoodka oo aysanna haysan wax dawooyin ah.

Hooy la’aan, cunto iyo biyo yari ayaa ugu waa weyn waxyaabaha ay ka cabanayaan dadka deegaanadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha Luuq ku yaal. Qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka in gargaar loo fidiyo.
Salixi/MR

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here