Dooloow: qoysas ka badan 500 oo agab guryo laga dhisto loo qeybiyay

0

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan dowlada Denmark ee DRC magaceeda loosoo gaabiyo ayaa 500 oo qoys oo deegaanadooda kasoo barakacay oo ku nool xerada Kabaasa ee ku taal duleedka degmada Dooloow Soomaaliya ee gobolka Gedo u qeybisay agab guryo laga dhisto.

Cabdiqaadir Cumar Cabdulaahi oo ah madaxa xafiiska hay’adda DRC ee degmada Dooloow ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in hay’addu ku wareejisay dadka deegaanadooda kasoo barakacay ee ku nool xerada agab ay ka dhistaan aqal Soomaali iyo weliba qalabka dhismaha.

Hay’adda ayaa toddobaadkii hore u qeybisay agab aqal Soomaali ay ka dhistaan iyo qalabka dhismaha qoysas ku nool xerada Kabaasa oo gaaraya 150 qoys. Laba toddobaad kahor markii ay hay’addu bilowday qeybinta agabka la dhiso agal soomaaliga, 391 qoys ayaa iyana helay agabka deeqda ah.

Qoysaska agabka guryaha laga dhisto la siiyay oo tiradooda guud ay tahay 541 qoys ayaa isticmaalay xoogooda si ay guryaha u dhistaan sida uu sheegayo weriyaha raadiyaha Ergo ee deegaankaa.

Qoysaskan oo dhismaha guryaha cusub toddobaadkii hore dhameeyay ayaa horey ugu noolaa guryo cooshado ka sameysanaa oo qoraxda iyo qabowga habeenkii aan celin karin.

Dadka deegaanadooda kasoo barakacay ee ku nool xerada Kabaasa ee degmada Dooloow ayaa colaado iyo abaaro is dabo-socday uga soo qaxay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Labo xero oo ku yaal degmada Dooloow oo kala ah Kabaasa iyo Qansaxleey ayaa waxaa ku nool dadka deegaanadooda kasoo barakacay  oo lagu qiyaasayo 4,000 oo qof.

Cabdiqaadir Cumar Cabdulaahi, madaxa xafiiska hay’adda qaxootiga u qaabilsan dowlada Denmark ee DRC ee degmada Dooloow wuxuu sheegay in baahida dadka soo barakacay ee ku nool degmada ay ka wayn tahay mid hay’ad kaliya ay dabooli karto.

MM/MA

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here