DHIBAATOYINKA HOR TAAGAN TALAALKA

0
247

Howlwadeenada talaalka cudurada dilaaga ah ee caruurta ka wada  magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dadka deegaanka oo qaarkood diidan in caruurtooda la talaalo.

Madaxa barnaamijka talaalka caruurta ee sanduuqa badbaadada carruurta u qaabilsan Muqdisho Maxamed Xuseen Cumar ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in bulshada deegaanka qaarkood talaalka ay ka aaminsan yihiin fikrado qaldan, taas oo keentay in caruurtooda u diidaan talaalka.

Maxamed Xuseen Cumar wuxuu xusay in dadka qaar aaminsan yihiin in carruurta ay talaalka ka qaadayaan jeermiska dhaliya Aids ee la yiraa HIV iyo in carruurtada uu madhaleys ka dhigo.

“Waa aragtiyo qaldan oo muujinaya baraarug la’aanta bulshadeena, taas oo dhalinkarta in cuduradu ku faafaan bulshada dhexdeeda,” sidaas waxaa Ergo u sheegay Maxamed Xuseen Cumar, Madaxa barnaaminka talaalka carruurta ee hay’adda UNICEF ee Muqdisho.

Maxamed Xuseen Cumar wuxuu sheegay in aragtiyahaas qaldan ay caqabad ku yihiin dadaalada lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurada dilaaga ah ee ay dabeyshu ka mid tahay.

Wasaarada Adeegga Bulshada ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday in Muqdisho dib looga helay cudurka dabeysha oo dalka laga cirib-tiray lix sano kahor. Isla toddobaadkaas waxaa Muqdisho laga bilaabay talaalka cudurka dabeysha oo lagu doonayo in looga hortago in cudurku ku faafo deegaanka.

Maxamed Xuseen Cumar madaxa barnaaminka talaalka caruurta ee hay’adda UNICEF wuxuu sheegay in carruurta aan la talaalin oo dhan ay halis ugu jiraan cudurka dabeysha oo ah jeermis deg-deg ku faafa.

Laakiin dhakhtar Maxamed Axmed Shire oo kumagac dheer Naturaale kana howlgala magaalada Muqdisho wuxuu raadiyaha Ergo u sheegay in fikradaha qaldan ee bulshada ay salka ku hayso fahamka bulshada ee talaalka oo hooseeya.

Wuxuu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeynaya barnaamijka talaalka inay la yimaadaan qorshe kor loogu qaadayo wacyiga dadka, laguna fahamsiiyo faa’iidada talaalku u leeyahay badbaada carruurta Soomaaliyeed.
AA/MA

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here