BAYDHABO: DUGSI XIRFADO SHAQO BARAYA HAWEENKA

0
353

Dugsiga Gabdhaha ee hoose iyo dhexe ee Cabdalla Deeroow Isaaq ee Magaalada Baydhabo ayaa bilaabay tababaro xirfado abuuris si lacag la’aan ah lagu barayo haweenka barakacayaasha ah, danyarta iyo weliba gabdhaha aan horey helin fursado waxbarasho.

Dugsiga oo shaqeynayay 8dii sano ee lasoo dhaafay ayaa tababarka u bilaabay 80 haween da’doodu u dhaxeyso 25 ilaa 40 sano jir oo la barayo xirfado iyo farsamadagacanta oo ay ku shaqeystaan labo bil kahor.

Maamulaha qeybta barashada xirfadaha ee dugsiga Cabdalla Deeroow Isaaq marwo Xaliimo Maxamed Cabdi ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay in haweenka ka faaíideysanaya barnaamijka ay isugu jiraan hablo deegaanadooda kasoo barakacay oo ku nool xerooyin Baydhabo ku yaal, danyar iyo weliba gabdho guryo-joog ahaa ee aan horey helin fursado ay wax ku bartaan.

Marwo Xaliimo Maxamed Cabdi waxay intaa ku dartay in 40 ka mid ah haweenka la barayo xirfada xarqaanka iyo tolista dharka. 25 kalena oo haweenka ka mid ah ayaa sidoo kale la baraa naqshadeynta dharka kariska loo yaqaan, halka 15 kalena ay bartaan farsamada gacanta sida sameynta xaaqimaha, babiska, dambiisha iyo darmooyinka.

Haweenka 80ka gaaraya oo qaarkood ah hooyooyin ah ayaa xirfadaha la baray u isticmaali doona in ay ku shaqeystaan oo ay kasoo saartaan nolol-maalmeedka qoysaskooda. Haweenka ayaa inta uu tababarka socda waxay sidoo kale baran doonaan qoraalka far-soomaaliya iyo xisaabta.

Dugsiga oo horey u ahaa dugsi dowlo oo lacag la’aan ah lagu dhigan jiray ayaa colaadihii dabo-scoday burburkii dowladdii dhexe ku xiray, waxaase dib 2006 u howl-galay qaar kamid ah haweenka deegaanka.

Dugsiga wuxuu bixiyaa waxbarashada tooska ah ee hoose iyo dhexe oo loogu talo-galay gabdhaha yar-yar ee kasoo jeeda qoysaska danyarta iyo agoomaha magaalada ku nool, wax lacag ahna laga ma qaado. Adeegyadaas waxbarashada lacag la’aanta ah ee dugsiga waxaa ka faa’iideysta 945 gabdhood oo ku jira da’da dugsiyada hoose iyo dhexe.

Hay’adda wax-barashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo Soomaalida dibadaha ku nool ayaa gacan ka-geysta adeegyada waxbarasho ee dugsigu uu fidiyo haweenka Soomaaliyeed.

Cabdulqaadir Barre Macalin/MAR

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here