Xarun caafimaad oo markii ugu horreysay laga hirgeliyay kaamamka jowle ee duleedka garoowe

0

Xarunta caafimaad ee ay fureen ururka caalamiga ah ee muhaajiriinta IOM iyo wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee laga furay meelaha ay deggan yihiin  dadka soo barakacay ee duleedka Bari ee Garoowe, halkaasoo ay joogaan in ka badan 7,000 oo qof  oo aan horey u haysan goobo lagu daryeelo kuwooda xanuunsan, waxaana xusid mudan inay magaalada aad uga fog yihiin xeryahaasi oo loo yaqaan kamamka Jowle.

Huseen Xasan oo ka tirsan IOM mar uu arrintan ka hadlay wuxuu yiri “Baahi weyn ayaa jirtay oo aan dhowr jeer aragnay taas ayaa keentay in aan dadaal deg deg ah sameyno si loo helo xarun caafimaad oo dadkan lagu daryeelo, waxaa ka howl geli doona 7 shaqaale ah oo wasaaradda hoos tegeya, qorshaha IOM ayey ka mid tahay sidoo kale waxaan ku rajo weynahay in aan goobaha barakacayaasha Puntland aan ku baahinno oo aan adeeggan gaarsiinno”.

Ma jirin xarun caafimaad oo ku taallay goobaha dadka barkacay ee duleedka Bari oo ka kooban 13-kaam oo ay ku nool dadkaasi, goobta ay dhistay Hay,adda IOM ayaa waxaa ay hoostegeysaa wasaarada caafimaadka Puntland oo la socon doonta adeegyada caafimaad ee ay u baahan tahay iyo sida ay u socdaan howlaheeda shaqo, waana xaruun ka kooban laba qeybood oo ah kala gargaarka deg degga ah iyo weliba qeybta hooyada iyo dhallaanka kuwaasoo ah adeegyada ugu muhiimsan ee aad loogu baahnaa marka loo eego dadka degganaa xeryahaas.

“ Waa bilow wanaagsan oo aan soo dhoweynayno sababtoo ah waxay baahi beel u tahay waqti badanoo hooyo dhalaysa iyo cunug xanuunsan aan magaalada kula ordi jirnay, mararka qaar xilliyada dambe habeenkii lama heli jirin gaadiid dadka lagu qaado, meeshan waa wadda jiingad oo carruurta haddii ay wax yeesho waa loo baahnaa meel lala gaaro, waxaan rajo ka qabnaa in horumar caafimaad oo buuxa aan halkaan ku helno.” Ayuu raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Cabdiqani guddoomiyaha xerada Shabeelle ee xeryaha Jowle.

Marwo Saynab Ugaas Yaasiin wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland oo xarunta u furtay dadkaan waxay sheegtay howshaan in ay tahay mid samafal isla markaasna ay ka war hayn doonaan howlaha caafmaad ee goobta, iyadoo sheegtay in ay adeegyo kala geddisan oo casri ah keeni doonaan, waxay kaloo dar daaran u jeedisay shaqaalaha caafimaadka oo ay ka dalbatay in ay dadkan ugu shaqeeyaan si hufan oo bini’adannimo iyo tixgelin ku jirto.

Saleebaan Maxamed Cali guddoomiyaha kaamka Banaadir oo ka tirsan kaamamka Jowle oo hadda ka hor la hadlay idaacadda Ergo wuxuu sheegay “Nadaafad darrada ayaa ah mida keenta baahida ugu weyn ee goobo caafimaad oo ay halkan helaan, muddo laba sano ah ayaan deggan nahay xeryahan balse ma helin adeegyo caafimaad xilli kasta oo gurrigaaga iyo qoyskaaga ay la soo deristo xaalad caafimaad waa in dhaqaale kaa baxaa taasna waa caqabad weyn”.

Kaamamka Jowle waxay Garoowe kaga beegan yihiin dhinaca bari ilaa 2km, waxaana deggan 1800 qoys oo u dhigma 7000 oo qof sidaasi waxaa Ergo u sheegay Saleeban Cali, barakacaashuna waxay adeeggan helayaan xilli ay aad ugu baahnaayeen oo ay waqti dheer sugayeen waxaa kaloo jirta in waqtigan oo kale ay dhashaan xanuunno badan oo ku dhaca carruurta kuwaasi oo ka dhasha biyaha dhulka fariista ee waqti roobaadka, kaamamka Jowle waa dhul u nugul cudurradaas haddii aan laga hortegin sababtoo ah ma leh nadaafad wanaagsan, haatanse arrintaani waxay wax badan ka beddelaysaa xaaladihii caafimaad ee dadkan haystay.

Cabdiraxman Maxamed Xaaji/MH/FM

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here