Xanuunkaan lagu sheegay xoolaha ayaa lagu soo warramayaa inuu ka jiro inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Garbahaarrey ee gobolka Gedo, xoolo dhaqataduna waxay ka muujiyeen walaac, waxayna arrintu sii xoogaysatay kadib markii bilihii ugu dambeysay xoolo u badan Lo` iyo Ido oo dhaley qaarkood ay u dhinteen xanuunkaan aan weli xaqiijin.
Maxamed Muxumed oo ka mid ah dadka xoolo dhaqatada gobolka Gedo ayaa Ergo u sheegay in walaacadu yahay xilliga xoolahu ay dhalayaan, haddana xoolaha uu hayo xanuunno aanan la garanayn waxa uu yahay, taasoo sababta in neefku u dhinto si fudud.
“Xoolihii aan dhaqanaynay dhibaatooyin caafimaad darro ah ayaa la soo dersay, sida Lo,da iyo Idaha, sanadkani waxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee reer miyiga ay kaga baahi baxeen dhibaatooyinkii ay soo mareen,waxaana saanadkan dhalay dhammaan xoolaha la dhaqdo sida Geela, Lo`da iyo Ariga, balse Lo,da iyo Idaha waxaan ku aragnay xanuunno ay u dhimanayaan taqaatiirtuna waan u gudbinnay, mana haysanno dawooyin aan kula tacaali karno cudurkaasi haya Lo,da iyo Idaha.” sidaasi waxaa yiri Maxamed.
Cabdi Bees Xasan oo ka mid ah taqaatiirta caafimaadka xoolaha ee gobolka Gedo, gaar ahaan hay,`dda VSF ayaa raaadiyaha Ergo u sheegay in xanuunnada noocani oo kale ah oo ku cusub uu ku dhacayo Lo,da iyo Idaha,waxaana uu sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan nooca cudurkaani yahay.
Dadka xoolo dhaqatadda ah ayaana codsaday in laga caawiyo nooca uu yahay cudurku, ka hortegistiisa iyo daaweyntaba, iyadoo aysan awood u lahayn sida ay sheegeen gadashada daawooyinka xoolaha la siiyo iyo weliba qalabkii lagu baari lahaa.
Saalixi/MH//FM