Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

BIYO YARAAN KA JIRTA QEYBO KA MID AH GARISSA

Dadku nool xaafadda Buula Masuuri ee ku taalla magaalada Gaarissa ee xarunta gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa waxay ka cabanayaan biyo yaraan haysata, kaddib markii sida ay sheegeen ay muddo dheer dhibaato ku qabeen booyado ku soo gaarsiiya oo lacago badan ay uga baxaan.

Banaanbax ay ka qeybgaleen boqollaal ka mid ah dadka deggan xaafaddaas ayaa waxay sheegeen in xitaa mararka qaar ay ku adkaato helitaanka biyo ay ku nadiifiyaan jirkooda, iyagoo sheegay in hooyooyinka umalaha ah ay ka mid yihiin dadka biyo la`aantaas ay saamaysay.

Mid ka mid ah dadka banaanbaxa ka qeybgalay ayaa sheegay inay la` yihiin dadka xitaa biyo ay u isticmaalaan waxyaabaha aasaasiyaadka ah “Biyo yaraantan walaal waxay na haysataa muddo dheer, waxaanu biyo ka heli jirnay booyado, balse waxaan dowladda ka codsanaynaa inay taangiyo noo saarto xaafaddan.”

Dhibaatadan dhanka biyaha ah ayaa waxay saamaysay dhammaan dadka deggan xaafadda Buula Masuuri ee magaalada Garissa, waxaana dadku ay ka codsadeen xubnaha isku sharraxaya doorashada la filayo in 4ta bisha March ay ka dhacdo waddankan  ay gacan ka gaystaan haddii ay doonayaan in dadku ay doortaan.

Zamzam Cabdikariin/MG

Exit mobile version