Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku saabsanaa sidii haweenka ay uga qeyb qaadan lahaayeen arrimaha nabadeynta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobbollada Jubbooyinka iyo sidoo kale maamul rasmi ah oo loo dhiso deegaannada Jubbooyinka.
Qaar ka mid ah haweenkii kulanka ka qeyb galay oo hadalka qaatay ayaa goobta ka sheegay in dhibaatada ugu badan ku dhacdo haweenka sidaas darteedna haatan la gaaray xilligii ay haweenku sixi lahaayeen waxii khaldamay, iyagoo haweenku si isku mid ah u sheegay inay taageerayaan xasilinta nabadda iyo maamul rasmi ah oo loo unko gobbollada Jubbooyinka.
“Annaga qabiil ma nihin, waxaan nahay hooyooyin Soomaaliyeed, marka waxaan diyaar u nahay inaan ka shaqeyno nabadda iyo maamul waafi ah oo loo dhiso Jubbooyink,”ayay tiri Badraan Muxumed oo ka mid ah haweenka kulanka ku yeeshay Kismaayo.
Waa kulankii ugu horreeyay oo muddo 5 sano ah ka dib ay haweenka Kismaayo ku yeeshaan gudaha magaalada Kisnaayo, waxaana hadda kismaayo ku soo laabanaya kulammadii iyo ururradii haweenka.
Khadar/AM