DIB U LAABASHADA DADKA GOBOLLADA EE MUQDISHO

0

Waxaa soo kordhaya dadka gobollada ka imaanaya ee  dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho, xili rajada Soomaalida ay tahay mid wanaagsan, oo xaaladda ammaan ay ka soo raynayso.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha ay dadku sida weyn dib ugu socdaalayaan magaalaada Muqdisho, sida ay sheegeen gaadiidleyda gobolkaas ilaa labo gaari oo noocyada basaska ayaa maalin kasta ka baxa magaalada Beledweyne oo ay saran yihiin ilaa 60-70 ruux, tanoo ka dhigan labo jibaar tira ahaan dadkii hore uga ambabixi jiray Beledweyne.

Qaar ka mid ah rakaabka oo idaacadda Ergo ay la hadashay ayaa sheegay in yididiilo wanaagsan ay ka qabaan xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay dhiirri geliyaan wararka wanaagsan ee dhinaca ammaanka ee magaalada Muqdisho ka soo yeeraya.

Dadkaan ayaa waxay isugu jiraan qaar ay hore magaalada Muqdisho uga soo barakiciyeen dagaalladii halkaa ka jiray, iyo kuwo cusub oo door bidaya inay hadda degaan.

Mid ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay in shaqadooda ay wax weyn iska beddeleen, wuxuuna tilmaamay in dadka socdaalaya ay shaqooyinkoodii iyo guryahoodii dib ugu laabanayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa soo badanayay dadka qurba joogta ah ee dib ugu soo laabanaya dalkoodii hooyo.

Cabdullahi Salaad/MG

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here