Deegaanka Holhol waxa uu ka tirsan yahay gobolka sool, waxaana uu ka mid yahay deegaannada ay ku badan yihiin xoolaha sida geela iyo ariga ee gobolka, halkaasoo ay daaqsin iyo biyo ka helaan xoolaha deegaankan jooga.
Sida ay idaacadda Ergo u sheegeen dadka reer miyaga ah ee iyagu xoolahooda ay ka cabaan ceelka Holhol , kaa oo ay sanooyin badan ku tiirsanaayeen dadka Iyo duunyada deegaankaasi, waxaa haatan ay dhibaato ka haysataa sidii ay ceelka uga heli lahaayeen biyo ku filan.
Ceelkan ayaa waxa aysan suurtagal ahayn in biyaha si fudud looga soo dhaamiyo, iyagoo ay fogaadeen biyaha sidaa darteedna uu u baahan yahay mar kasta oo la shubayo in ay isagu tagaan ilaa 20 nin si biyo looga soo saaro.
Maxamed Axmed oo ka mid ah dadka xoola dhaqada ah ee ceelkan biyaha ka heli jiray ayaa sheegay in ceelka uu aasmay, taana ay keentay uu biyo yareeyo.
Darka ceelkaas ayaa la arkayaa in ay hoganayaan xoolo farabadan oo u taagan in la waraabiyo.
Jaamac Guray Seed oo ka mid ah odayaasha deegaanka Holhol ayaa ka codsaday hayádaha samafalka iyo cid kasta oo taakuleynaysa in ay ay ka caawiso in dib u habayn loogu sameeyo ceelka.
“Dhibaatadan waxaan kaga bixi karanaa in ceelkan loo sameeyo riig waayo Gacanata ayaan hadda ku waraabinnaa xoolaha”, ayuu yiri Jaamac
Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababa ay aminsan yihiin in ceelka uu duugmo ay sidoo kale ka mid tahay digada xoolaha ee gasha Xilli roobaadka iyo daadad ciid ku aasay ceelka.
Cabdikariin Olol/MG