Waxaa shalay gelinkii dambe magalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland la soo gaarsiiyay 22 ajaanib ah, kuwaasoo muddo saddex sano ah gacanta ay ku hayeen burcad badeedda Soomaaliyeed.
Ajaanibtan oo badankood kasoo jeeda waddamada qaaradda Aasiya oo qaarkood qabay dhaawacyo soo gaaray xilligii afduubka lagu heystay ayaa haatan xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidanka badda Puntland, Cabdirisaaq Diiriye Faarax, wuxuuna yiri “La heystayaashan markii aan soo furaneynay afar qof ayaa dhaawac uu soo gaaray, hal qofna wuu dhintay, laakiin muhiimaddu waxay ahayd inaan kasoo furanno gacanta burcad badeedda, haddana caafimaadkoodu aad ayuu u wanaagsan yahay.”
Kabtanka marakabka ay burcad badeedku afduubteen Cali Saalax, oo kasoo jeeda dalka Yemen ayaa ciidamada badda ee Puntland uga mahad celiyay sidii ay usoo badbaadiyeen, wuxuuna sheegay inuusan marnaba fileyn inay ka badbaadayaan burcad badeedda.
Badanaa xeebaha Puntland ayaa waxaa ka dhaca afduubyada noocan oo kale ah, iyadoo dowladda Puntland ay marar badan dadaal u gashay soo furashada dad ay afduubteen burcad badeedda.
Xaliima-sacdiya Cabdullaahi Cali/FM