BEERALLEYDA GOBOLKA SHABEELLADA HOOSE OO RAJO WANAAGSAN QABA

0

Beeralleyda gobolka Shabeellada Hoose oo soo maray waayhihii ugu xumaa ee dhinaca tacabka beeraha, ayaa xilligan u muuqanaya in ay ka soo kabsanayaan dhibaatooyinkii ka soo gaaray abaarihi xoogganaa ee ku dhuftay dalka.

Beeralley badan ayaa xilligan ka faa`iideysanaya tacbashada beerahooda, kadib xilli roobaadkii dayrta oo si wanaagsan uga da`ay qaybo badan oo ka tirsan gobolka oo hore ay u saameeyeen abaarihii darnaa oo sababay in uu si weyn hoos ugu dhaco heerka wax soo saarka beeraha .

Sayid Cumar Maxamed oo ka mid ah beeralleydaasi ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in
tacabka beeraha ee gobalka uu yahay mid wanaagsan, isagoo xusay in rajada beeralleyda ay ka soo hagaageyso sidii hore maaddaama roobab wanaagsan ay da`een.

Dhanka kale inkastoo roobabkii da`ay ay dib u soo celiyeen qoysas badan oo isagu jiray xoolalley iyo beero qodoto isaga hayaamay deegaannadoodii kadib markii ay u adkeysan waayeen abaarihii darnaa, ayaa haddana waxaa jirta caqado badan oo beeralleyda qaarkood ka haysata dhinaca kannaallada lagu waraabiyo beeraha oo aan si wacan u dayactirnayn iyo waliba saameynta fatahaado wabiga Shabeelle uu hore ugu sameeyey deegaanno ka tirsan gobalka oo sababtay in beeralley badan ay ku adkaato in ay beerahooda dib u beertaan.

Gobolka Shabeellada Hoose waa gobol ku tiirsan wax soo saarka beeraha, waxaana inta badan dalagga  kala duwan ee ka soo go`a loo iib geeyaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Aadan Daahir Diyeeshe/FM/MG

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here