Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

DIBAD BAX LAGU DALBANAYEY JOOJINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH OO KA DHACAY MAGAALADA BOOSAASO

Dibad baxan ayaa  wuxuu daba socday shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, oo uu soo qaban qaabiyey ururka ardayda Puntland ee PSA oo taageero ka helaya hay`adda badbaadada hooyada iyo dhallaanka ee UNICEF, kaasoo bulshada looga wacyi gelinayay inay joojiyaan gudniinka fircooniga ee gabdhaha.

Gabagabadii Shirkan ayaa si wada jir ah looga soo horjeestey gudniinka fircooniga ah , dadkii kasoo qeyb galay shirka ayaa sameeyey dibad bax ay ku mareen waddada Nakhiil ee magaalada Boosaaso, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen (jooji gudniinka gabdhaha) iyagoo watey boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah gudniinka gabdhaha.

Shirkan waxaa sidoo kale ka horreeyay Shir ay isugu yimaadeen dhawaan hoggaamiyayaasha diinta gobollada Puntland iyo culimaa`udiin ka socotey dalka Kenya, kaasoo laga soo saarey baaq caalami ah oo halkudhiggiisu uu ahaa “haddaanu nahay culimada dawlada Puntland waxaan ka soo horjeednaa gudniinka gabdhaha ee diinta islaamka aan xiriirka la lahayn“ tira koobkii ugu dambeeyay ee lasameeyey ayaa lagu sheegay in in ka badan boqolkiiba sagaashan 90% Soomaaliya laga isticmaalo gudniinka jarjarista saxaaxa dhedigga.

Gudniinka fircooniga ah

Caadada xun ee gudniinka jarjarista saxaaxa dheddigga gabdhaha, waa dhaqan soo jireen ah oo muddo qarniyo ah ay ku dhaqmayeen dadka Soomaalida, waxaana adkaatey in laga gudbo dhaqankan xun.

Muddo ka badan 30 sano ayaa laga wadey Soomaaliya wacyi gelinno la xiriira ka tagista caadada xun ee gudniinka gabdhaha oo laga sameeyey miyiga iyo magaalooyinka, ummad walba waxay leedahay dhaqan iyo caado, mararka qaar waxay noqon karaan dhaqammadaasi kuwo waxyeello ba`an u geysta caafimaadka bulshada, gudniinka dumarka wuxuu ka mid yahay dhaqammada soo jireenka ah ee halista ku ah nolosha gabdhaha Soomaaliyeed kaasoo ay joogteeyeen adeegsigiisa bulshada.

5-tii sano ee la soo dhaafey, hoggaamiyayaasha Puntland waxay qaadeen tallaabooyin waaweyn oo qayb ka ah dadaallada lagu joojinayey dhammaan noocyada jarjaridda Saxaaxa dheddigga (Gudniinka) oo ahaa dhaqan sooj ireen ah oo aanu ku dhisneen diinta islaamka iyo dhaqanka suubban, waxaa suura gashey in inta badan dadka la siiyo wacyigelinno joogto ah ayna fahmaan in gudniinkan jarjarista saxaaxa gabdhaha uu yahay mid aan waafaqsaneyn Shareecada islaamka.

Gudniinkan ayaa weli laga istacmaalaa dhulka miyiga ah oo markii horeba uu ka soo billowdey, inkastoo magaalooyinka aanu ku badneyn gudniinkan .

Warbixin ay soo saartay wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska maamulka Puntland ayaa lagu sheegay, in sanadkan 2011-ka uu hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid adeegsiga gudniinka jarjarista saxaaxa gabdhaha aan qaangaarka aheyn iyo dumarkaba ka dib wacyigelinno joogto ah oo loo sameeyey bulshada.

Axmed Nuur Soomali/FM

Exit mobile version