Nairobi:- Bandhig si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah furayay websiteka raadiyaha Ergo ee arrimaha bina’aadanimada Gobolka ee ayaa manta lagu qabtay hotelka Nomad Palace ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Kulanka oo sidoo kale looga dooday habka ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo afka Soomaaliga ayaa waxaa ka soo qeybgalay aqoonyahanno, mas`uuliin iyo weriyayaal ka socday qaybaha warbaahinta una badnaa kuwa wax ku qora websiteyada.
Ugu horreyntii waxaa goobta ka hadlay gabadha mas`uulka ka ah mashruuca raadiyaha Ergo Louise Turnbridge, tafaftiraha idaacadda Ergo Cabduqaadir Maxamed Mursal oo labaduba si qotodheer u sharaxay howsha ay idaacadda Ergo u hayso dadka afka Soomaaliga ku hadla ee gobolka iyo caalamka.
Cabdulqaadir Maxamed Mursal ayaa sheegay in idaacadda Ergo sida ku cad magaceeda ay tahay mid isku xirta ummadda dhibaateysan ee Gobolka iyo Beesha Gargaarka, iyadoo wararkooda dhibaatooinkooda u faafisa una gudbiso dadka ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo caalamka.
Abdulqaadir Mursal ayaa ugu dambeyntii tilmaamay in raadiyaha Ergo uu ku baahsan yahay guud ahaan Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay Sooomaalidu u qaxday, iyagoo waddanka gudihiisa ay u joogaan in ka badan 20 weriye, isla markaasna uu iskaashi kala dhexeeyo ilaa 10 raadiye oo ku sugan Soomaaliya kuwaasoo dib u sii baahiya barnaamijyada Ergo.
Sidoo kale Maxamed Xasan Maxamed oo ka tirsan soo saarayaasha raadiyo Ergo ayaa goobta ku soo bandhigay qaar ka mid ah barnaamijyada, wararka iyo muuqaallada ee ay baahiso idaacada Ergo, kuwaas oo dadkii daawanayay ay aad ula dhaceen, waxaana ka mid ahaa muuqaalka shaqooyinka ay qabtaan haweenka Soomaaliyeed, kufsiga lagula kaco barakacayaasha xeryaha Muqdisho, dhibaatada mukhaadaraadka uu ku hayo dad badan oo Soomaaliyeed oo uu noloshoodii baab`yay iyo barnaamijka loogu magac daray tiiraanyo tahriib.
Gabagabadii bandhiga ayaa waxaa qaar ka mid ah aqoonyahankii joogay loo qabtay dood-wadaag hal ku dhag looga dhigay ‘Higaadda Afka Soomaaliga’ oo aalaaba aysan isku howlin suxufiiyinta Soomaaliyeed ee wax ku qorta websiteyada ka badan 400 oo wax ku qora Af-soomaaliga, waxaana aqoonyahannadaasi ka mid ahaa qoraaga arrimaha dhaqannka iyo suugaanta Axmed Faarax Cali Idaajaa, Prof. Ibraahim Shiekh Xasan, Qoraaga iyo aasaasaha rugta maskaxda Khalif Ashkir Diini, Mudane Cawad Axmed Cashara oo ah guddoomiyaha guddiga warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya iyo Yaasiin Ciise Wardheere oo ka mid ah ah weriyeyaasha waayo aragga.
Suxufiyiinta halkaas joogay oo qodobkaas uu aad u soo jiitay ayaa su’aalo afka Soomaaliga la xiriira halkaas ku waydiiyay martidii golaha fadhiday.
Ugu dambeyntii waxaa halkaas laga soo jeediyay talooyin iyo fikarado wax looga qabanayo sare u qaadidda aqoonta afka Soomaaliga guud ahaan, iyadoo weliba si gaar ah carrabka loogu adkeeyay in la abuuro guddi u istaaga wax ka qabashada afka Soomaaliga iyo qoraalkiisii oo qar ka sii dhacaya.
Jaamac Ukun/MH