Xaalada dhabta ah ee xiligan kajirta xaafado katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca degmada Huriwaa dhibaataduse waxay tahay ciidamada madaafiicda iyo rasaasta isku ridaya iyaga isuma kali ah ee dad rayid ah oo farabadan ayaa ku dhax go’doonsan, guryahana qaarkood waxa lisku ridayo awood uma laha in dadka ay kadifaacaan madaafiicda lisku ridayo
Inkastoo ay jireen dadbadan oo xaafadahan ka baxsaday hadana qaar kuwii ka baxsday gooaha dagaalada ayaan ka yareyn ayaa weli jira oo duruufta ay khasabtay inay ku negaadaan guryahooda, kuwaasi oo ay caruur iyo haween ay kamid yihiin meel ay hada u ciirsadaaana aan haynin waxana kamid ah haweeneydan oo dhowr caruur ah ku haysata guri ay madaafiicdu ka dul dhaceyso
“Walaalow wa yaabannahay anaga waxar cade ayaan joogaa walaahi waxa yeeraaya wax muslim u adkeyso karo maaha waxa aan maqlayo wax laxisaabinkaro maaha ilmigiiyaan halkaan ku haystaa meelaan u cararo makasaayo walaahi baabuurna malahelaayo kii lahelayna waxuu yirii 250$ mana iska bixin karno walaalow si aan yeelno mahalaha”
Nin isna magiciisa ka gaabsaday kana mid ah dadka xaafadahaasi ku go’doonsan ayaa kasokow dhibaatada iyo cabsida soo wajahday waxa uu iiga waramay dhacdooyin dad rayid ah haleelay oo indhihiisa uu ku arkay
“Haa walaalow anaga waxaan nahay dadka ku nool degaanka suuqa xoolaha marka dhibaato ayaa jirta halkaan madaafiic ayay shabaab katuureen iyagana waa loo soo jawaabay marka dadbadan ayaa ku dhintay iyo dhaawac weliba aniga waxaan arkay 6 ruux oo dhimatay 4rag ah iyo 2 dumar ah oo shaah gadaayay walaahi xaalada caadi maaha”
Taliyaha guutada labaad ee madaxtooyada Cabdillaahi Cali Caanood oo Radio Ergo ay kala xiriirtay sida dhankooda ay u badbaadinkaraan dadka rayidka ayaa hoos u dhigay dhibaatada ay dadkaasi qabaan isgoo meelaha qatarta badanna shacabka kacodsaday inay isga fogaadaan
{Dadka ku nool meelaha ay ciidanka dhaafeen ee gudaha ciidanka soo galay iyaga dhibaato maqabaan maxaa yeelay ciidanka ayaaba dhaafay dagaalna kama agdhacaayo marka dad sidaasi oo go.adoonsan maba jiraan kuwo yaryar ee meelaha aan ku sii jeedno ku nool waalaga yaabaa inay qatar lakulmaan iyagana waxaan kacodsaneynaa inay isaga baxaan}
Waxa jira dad ay u suuro gashay in iyadoo ay dagaalada socdaan in naftooda ay baxsad ku biimeeyaan sida gabadhan oo iyadoo gaartay degaanka Ceelcerfiid ee duleedka Muqdisho aan laxiriiray
{Waxaan kasoo qaxay suuqa xoolaha waxaan kaqaxay madaafiicda dhibaato intaan arkaa igu filan waxbadan dhimasho iyo dhaawac waan arkay waxna waan kasaayay waxna dad soo qaxay ahaayeen meesha hada aan imaanayna walaahi walaalow biyo la aan iyo boodo iyo dhib aa kajira marka waaba kasii socoheenaa}
Tirada guud ee qasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaaladii 2dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa lagu qiyaasayaa inkabadan 15 ruux oo rayid u badan dhaawucuna waa 30 meeyo waxana jiray isbedello hababka dadka loogu gurmanayo sababo laxiriira goobaha lagu dagaalamayo oo xaaladooda ay cakirneyd iyo gadiidkii anbalaasta oo badankood ciladeysnaa sida uu ii xaqiijiyay Cali Muuse Shiikh oo madax ka ah gaadiidkaasi
Yusuf Kaynaan/MH