Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool magaalada Muqdisho, ayaa ka codsaday kooxihii magaalada Gaalkacyo ka afduubtay laba ka tirsanaa shaqaalaha hay,adda DDG oo ah hay’ad laga leeyahay dalka Denmark in ay sii daayaan shaqaalahaasi.
haddaba wariyaheenna Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, oo wareystay Nabad-doon Axmed Diiriye oo ka mid ah nabad-doonnada ku nool Muqdisho ayaa waxa uu weydiiyay bal sida ay u arkaan shaqalahaan loo geystay afduubka, wuxuuna ku jawaabay Axmed Diriye:
“Arrintaasi waa arrin fool xumo ah oo laga yaqyaqsoodo dadka Soomaaliyeedna aan ku wanaagsanayn, waxaana u sheegayaa in ay ka waantoobaan,waxaan leeyahay iska daaya kuwa aad hadda haysaan kuwo dambana ha afduubina”
Nabad-doonka ayaa sidoo kale sheegay in dadkaan ay afduubteen ay yihiin dadkii u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan sidaas darteedna dhaqan wanaagsan aysan ahayn waxa ay ku kacayaan.
Nabad-doon Axmad Diiriye, ayaa sheegay in haddii ay yihiin odayaasha dhinaca dhaqanka in ay cambareynayaan falalkaasi ay ku kaceen kooxahaasi.
Mar la weydiiyay Nabad-doonka saameynta ay arrintaan ku yeelan karto dadka Soomaaliyeed ayaa waxa uu yiri: “wax xirriir ah oo ka dhaxeeya ama iska quseeya kuwa wax afduubanaya iyo kuwa u baahan samafalka ee barakacayaasha ah ma jiraan, marka sidaa darteed waa iska suura gal in ay saameyso laakiin waxaan ku talinaynaa in ay sii wadaan hawlaha ay u hayaan dadka dhibaataysan”
Nabad-doon Axmed Diiriye, ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay kuwa haysta labadaas ruux ee ka tirsan shaqaalaha hay’adda DDG in ay si deg deg ah u sii daayaan, isagoo intaa raaciyay dhinaca kale in ay xiriir la sameeyeen maamulayaasha deegaannada lagu haysto labadaas ruux ee ajaanibta ah ayna ku boorriyeen in ay ku dadaalaan sidii loo sii deyn lahaa shaqaalahaaas afduubka loo heysto.
Yusuf Keynaan/CC