Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Mandheera. abaaraha iyo colaadaha gedo oo saameeyey cuntada iyo ganacsiga

Mandheera waa magaalo ku taala gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ,waxana ay soohdin dhuleed la leedahay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay suuqyada magaaladaasi hareeyay sicir barar ku yimid dhamaan noocyada kala duwan ee badeecooyinka lagu iibiyo.

Waxaa durbaba cirka isku shareertay qayla dhaanta ka soo yeereysa dadka ku nool magalada Mandheera kuwaasoo sheegay in sicir bararku saamayn xoogan ku yeeshay noloshooda.

Qaar kamid ah ganacsatada yaryar ee ku ganacsata suuqa magaalada Mandheera ayaa Radio Ergo uga waramay xaaladda sicir bararka waxanay sheegeen in ay aad u dareemeen.

Maxamad Xaani,waa ganacsade iibiya waxyaabaha uduga iyo kuwa la isku qurxiyo,wuxuu sheegay in ay iska hor yimaadeen ganacsatada iyo dadka shacabka ,taasoo ay ugu wacantahay sicir bararka  isagoona sheegay in dadku ay  u haystaan sare u kaca inay masuul kayihiin ganacsatada taasoo uu sheegay in aysan sax ahayn.


“Sababaha ugu wacan ee sare ukaca keenay waa qiimaha shilinka Kenya oo hoos u dhacay iyo shirkadaha an alaabaha ka soo iibsano ee dibadda oo qiimahodu sareeyo ayuu yiri Maxamad Xaani oo ah ganacsade iibiya waxyaallaha haweenku isku qurxiyaan”.

Gancsiga alaabta alektaroonikada ah ayaa ka mid ah waxyaabaha  qiima kororka suuqyada degmada  Mandheera wakhtigaan saameeyey.


“qalabka korantada waxa uu qeyb ka yahay waxyabaha sare u kaca ku yimid hadii aan macaamiisheena u sheegno dhibaatooyin ganacsina waan kala kulanay taasina waxa ay saamayn ku yeelatay nolosheena sidaana waxaa Radio Ergo u sheegay Isaaq C/laahi oo ka mid ah ganacsatada ka ganacsata qalabka korantada.”

Sicir bararka ku yimid badecooyinka waxa ay saamayn ku yeelatay nolosha bulshada gaar ahaan dadka danyarta ah iyo xoogsatada, Cali dhuux waa farsamayaqaan ka shaqeeya cillad bixinta qalabka korantada gaar ahaan talefoonada gacanta, wuxuu waxa uu sheegay in sicir bararkaan ay saamayn ku yeelatay nolosha qoyskiisa,Cali ayaa sidoo kale sheegay in qalabka ay ku badalaan madaxyada taleefonada uu qiima koror ku yimid, taasoo uu sheegay in si xoog leh ay u dareemeen.

Waxyabaha qiima kororka laga dareemay suuqyada Mandheera waxa kamid ah dharka, Cumar Xirfadle waa ganacsade noocyada kala duwan ee dharka ku iibiya suuqa weyn ee Mandheere waxa  uu sheegay in ay ku wareereen is badalka lacagta doolarka iyo qiima dhaca shilinka Kenya .
Maxamad yuusuf waxa uu ka midyahay ganacsatada iibisa bagaashka iyo cuntada waxa uu ku micneynayaa sare u kaca ku yimid cunada iyo bagaashka inay ugu wacatahay  raashinka loo adegsado samafalka oo laga iibinayo suuqyada taasoo keentay in badecadi circa isku shareerto.

 Dhamaad

Nuur Cali

Exit mobile version