Shir ay soo agaasintay hay,adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR. Kaasoo lagu marti galiyay masuuliyiinta qaxootiyada kala duwan ee ku nool wadanka south Africa, ayaa lagu qabtay magaalada Cape town ee wadanka Koonfur Afrika.
Shirkaasi oo ka dhacay xarunta hay,adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku leedahay Western cape oo ku yaala bartamaha magaalada Capetown .ayaa waxaa qeyb ka ahaa qawmiyadihii ama qaxootigii lagu martiqaaday ee ka qaybgalay, qawmiyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi, hadaba waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa kana mid aha masuuliyinti ka qaybgashay Xadiis Xaaji Aadam oo u dhaq dhaqaaqa xuquuqda qaxootiga qowmiyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankaasi Koonfur Afrika, wuxuuna sheegay in shirkaasi Soomaalida si gooni ah loogu marti galiyay uuna qayb ka ahaa shirar ay hay,addu u qabato madaxda qaxootiga ku sugan waddanka Koonfur Afrika.
Xadiis ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu soo qaaday in laga yaabo in baarlamanka waddanka Koonfur Afrika loo gudbiyo in dadka qaxootiga ah laga raro meelaha magaalooyinka lana dejiyo xudduudaha, si loogula socdo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan dadka qaxootiga ah,tasoo dawladdu si ka duwan ay u sheegeyso.
“Waxaad mooddaa in laamaha dadka u fududeeya sharciyada ee doonayaan in dadka qaxootiyada loo raro goobaha xuddudaha ku yaala in ay dhabar jab ku noqon doonta dadka qaxootiyada ah oo iyagu badi noloshooda ka maaraysta xoogsi iyo fursado kale oo ay ka helaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin” sidaana waxaa yiri Xadiis Xaaji Adam oo ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha qaxootiga Soomaalida waxana uu intaa ku daray Xadiis in ay keeneyso arrintaani dhibaatooyin badan, isagoona sheegay in goobahaasi ay yihiin kuwo aan laga ogaan karin haddii ay dhacdo in dhibaato loo geysto dadka qaxootiga ah oo iyaga wakhtigan in badan oo ka mid ah magaalooyinkaba loogu gaysto tacadiyo ku salaysan midab takoor iyo soo galooti nacayb ka yimaadda dadka reer Koonfur Afrika.
Gebagebdii shikraasi ayaa waxaa la isla meel dhigay wada shaqayn dhexmarta qaxootiyada dhexdooda, dawladda Koonfur Afrika iyo hay,adda qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Iiyadoona dawladda wadanka Koonfur Afrika ay qayb ka tahay waddamadii sixiixay qaraarkii qaramada midoobey ee ilaalinta qaxootiga. Waxayna sheegayaan dadka Soomaaliyeed inay raadiyaan wax kasta oo fursad u siin kara sidii ay ugu heli lahaayaan amaan iyo sharciyo dhinaca deganaanshaha ah wadanka Koonfur Afrik, labadaas arrimood oo ah baahida ugu weyn ee ay qabaan bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaas.
A Axad/MH