Meydad hor leh oo kamid ah dadkii dhawaan dooni ay saarnaayeen inkabadan 50 qof oo Soomaali ah ay kula qariqmatay xeebaha Liibya ayaa laga helay meel u dhaw xeebaha magaalada Misraata, iyadoo tirada ilaa iminka la helay ay ka dhigayso ilaa 19 qof halka kudhawaad 30 meeyo kalana wali la’layahay.
Cabdiraxmaan Maxamed Happy oo ah weriye degan magaalada Tripoli oo u waramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay meydka saddex ruux oo soomaaliya kuwaasoo laba kamid ah ay haayeen rag halka midka kalena ay ahayd haweeney,oo laga helay magaalada Misraata oo ah magaala xeebeed ku taala waddanaka Libya,C/raxmaan ayaa dhinaca
kale sheegay in afar doonyood oo hor leh oo sida muhaajiriin Soomaali ah ay ka shiraacdeen dalka Libya iyadoo laba ka mid ah ay ku xirteen magaalada Lambiduusa ee dalka Talyaaniga, iyadoo labada doonyood oo kalena ay dib ugu soo laabteen magaalada Tiripoli ee waddanka Libya.
Labada doonyood ee gaartay xeebta Lambiduusa ayaa mid kamid ah waxaa saarnaa illaa 59 ruux oo dhammaantoodba ah Soomaali iyadoo tan kalana ay saarnaayeen 56 ruux oo iyaguna dhammaantoodba ahaa muhaajiriin dhalashadoodu tahay Soomaali sida uu sheegay saxafigaasi ku sugan waddanka Libya,
Si kastaba ha ahaatee waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay dib u billowday qulqulka Soomaalida tahriib doonka ah ee u hanqaltaagaya in ay galaan waddanka Talyaaniga iyagoo sii maraaya badda Mideterenian