Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Muqdisho: Waa sidee xaaladda caafimaad ee dadka qaba cudurada dhimirka

Muqdisho 13 Oct, 2011

 Waas sidee xaaladda caafimaad iyo tan nololeed ee ay ku sugan yihiin bukaanadaa qaba cudurada dhimirka ee ku sugan magaalada Muqdisho, maxaase ka jira in tirada dadka qaba cudurrada dhimirka ay sare u kacayaan, haddaba arrimahaasi iyo kuwa kale waxaan wareysi kala yeelanay Dr,C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb oo isagu ah madaxa laamaha caafimaadka ee lagu daweeyo dadka qaba cudurada dhimirka ee Habeb Public Mental Hospital, ugu horreynna waxaan weydiinay  xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaanada qaba cudurada dhimirka  ee ku sugan xarumahooda caafimaad..?

 J-xaaladda caafimaadka dadka qaba cudurada dhimirku aad ayay u liidataa  mudoyinkaan dambana waxay u muuqdaan kuwo aad u soo badanaya ,,xarumaheenuna waa ay buuxaan ,waxaana buux dhaafiyay dadka qaba cudurada dhimirka, bukaanada qaba cudurada dhimirka waa la dayacay waxaa naloo keenaa iyagoo buka oo qaba cudura kala duwan, waxaa kaloo na loo keenaa iyagoo aan wax cuni Karin is la  mar ahaantaana indhuhu isku dhegan yihiin,xarumaheenu waxay qatar ugu jiraan in ay ka dilaaacaan cudurada faafa ,sida shubanka tayfoodka ,iyo disentariyada, iyo kuwa kale,,sanadkaan xuski aan u samaynay maalinta 10ka octoobar ee  maalinta dhimirka addunka waxaan u dabaaldegnay iyadoo lix sano kadib aanan wax gargaara ka helin hay,adaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ahba, aanaan helin wax  ay noogu soo aadday xilli aan qabno baahi badan ,sida sariirihii iyo joodariyaashii ay ku seexanyeen bukaanada oo  noqday kuwa duugoobay,bukaanada qaba cudurada dhimirka waxaay u bahaanyihiin sade arrimood oo ay ka mid yihiin jacayl,daaweyn iyo taageerid. Qaramada midoobay iyo caalamku waxa ay ku mashquulsanyihiin,cudurka HIV AIDS laakiin ma daneeyaan tirada sii kordhaysa ee dadka qaadaya cudurada dhimirka.

 S- Een tirada haatan ku jirta xarumahiina waa imisa?

J- Een,waxaa hadda ku jira xarumaheena bukaano gaaraya illaa 333 bukaan .

S- Hay,adda WHO waxay maalin dhawayd ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Somalia ay noqotay wadanka ugu horeeya ee ugu badan cudurada dhimirka maxaa ugu wacan ayay ula tahay ?..

J- Waxaa ugu wacan colaadda,dagaalada caga juglaynta barakicinta ,musiibooyinka abaaraha ,iwm.maqalka madaafiicda iyo waxyeeladoodu waxay sare u sii kiciyeen tirada dadka qaadaya cudurada dhimirka.

 S- Yaa u badan dadka aad  qaabilaysaan ee ka cabanaya cudurada dhimirka?

J- Waxaa u badan ragga ,sababatuna waxa ay tahay ragu waa ay ka dhibaato badan yihiin haweenka ,kuwa dagaalada ku jira waa iyaga kuwaa jaadka iyo maandooriyaasha cunaya waa iyaga,kuwa aay shaqa la,aantu saamaysay waa iyaga. Caruurta da,da sagaal jirka waxa ay qaaden sas ama wal wal stress, taqatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee ka soo qalin jabiyay kulliyadaha caafimaadka ma jirto kuwa soo bartay ama jecel inay ka shaqeeyaan MENTAL HELATH ama ay caawiyaan dadka qaba cudurada dhimirka.

 S- Maxaad ugu dambayntii ku talin lahayd

J-  Ugu dambayntii waxaan baaq u dirayaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo aan leeyahay il gaara ku eeg dadka qaba cudurada dhimirka ee maanta sida xawliga ah u sii kordhaya sidoo kale umadda soomaaliyeed waxaan u sheegi lahaa in cudurada dhimirka la daaweyn karo anigoona kula talinaya in bukaanada qaba cuduradaasi ama ay ku arkaan ay geeyaan xarumaha caafimaadka ee ku shaqada leh intii ay waqtiga uga dili lahaayeen goobaha mingiska.

 Cabdisamed/MH

Daauus cadde

Warning: date() [function.date]: It is not safe to rely on the system's timezone settings. You are *required* to use the date.timezone setting or the date_default_timezone_set() function. In case you used any of those methods and you are still getting this warning, you most likely misspelled the timezone identifier. We selected 'Africa/Khartoum' for 'EAT/3.0/no DST' instead in /home/radioerg/public_html/comments.php on line 20

February 20, 2012, 12:07 pm
 
Dr. habeeb wax wanaagsan ayuu qabtay eebe ha siyo wanaaag sida u daryeelay umadadisa Somaliyeeda.
 
said

Warning: date() [function.date]: It is not safe to rely on the system's timezone settings. You are *required* to use the date.timezone setting or the date_default_timezone_set() function. In case you used any of those methods and you are still getting this warning, you most likely misspelled the timezone identifier. We selected 'Africa/Khartoum' for 'EAT/3.0/no DST' instead in /home/radioerg/public_html/comments.php on line 20

Warning: date() [function.date]: It is not safe to rely on the system's timezone settings. You are *required* to use the date.timezone setting or the date_default_timezone_set() function. In case you used any of those methods and you are still getting this warning, you most likely misspelled the timezone identifier. We selected 'Africa/Khartoum' for 'EAT/3.0/no DST' instead in /home/radioerg/public_html/comments.php on line 20
January 1, 1970, 2:00 am
 
waa run
 
sahro

good, waa shaqo fiican
 
Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS