Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Door intee le'eg ayey bulshaddu ka qaadan kartaa joojinta budhcad badeedda?

Eyl 04 Sep, 2011

Boqolaal ka mid ah dhallinyarada budhacad badeedda ah ayaa dhibaato baaxad leh ku haya aduunka, ka sokow dhibatadaas dhalinyaradda laftiggeeda ayaa dhibaato ku qaba nidaamkaan, waxayna noqdeen kuwo ku dhex dhinta guddaha badweynta, qaar badan oo aan tiradooda aan lahayn waxay ku jiraan xabsiyo  kala gedisan oo caalamka ah, kuwo badan ayaa iyagu isku laayey lacagihii faraha badnaa ee madax furashadda, haddaba siyaabaha dhalinyaradda looga joojin karro budhcad badeednimadda ayaa dadka wax garadka ah iyo dhalinyaradda laftigeeduba ka qabaan fikraddo kala gedisan.

Maxamed Cabdulqaadir Faaarax waa gudoomiyaha daladda Tadaamun oo ka shaqaysa horumarinta waxbarashadda Puntland ayaa wuxuu qabaa hanaanka loo joojin karo budhcad badeenimadda”
“door muhiim ah ayaa naga saran in laga joojiyo dhalinyaradda budhcad badeednimadda, taasoo ah in laga wacyi geliyo xaaladda dhibta badan iyo halista naftooda uga imaan karta, intii hadda ay furantay boobkaan budhcad badeednimaddu oo la soo boobayo hantidda badaha saran ee dadku leeyihiin dhaqaalo lagu raadinayo ayaan ururkeeni samaynay in badan in dhalinyaradeenu ka joogsadaan arintaas”

C/qaadir Nuur Aadan culimadda garoowe xubin golaha deegaanka wuxuu sheegayaa in meesha wax ka xunyihiin ay yihiin xoog iyo miskax badan oo aan la gelin dhalinyaradda, maadaama ay waxa falalka samaynayaa yihiin dhalinyaro in ururadda dhalinyaradda ee aan ka midka ahay ay dadaal saaraan sidii loo kobcin lahaa xirfadahooda, waayo dhalinyaradda budhcad badeedda ma lahan wax aqoon ah, mana yaqaanaan wax xirfad ah oo ay ku shaqaystaan, marka ururadda dhalinyaradda iyo kuwa kale ee bulshadda ayaa looga bahan yahay inay kawada qayb qaataan in kor loo qaado tayadooda aqooneed”

Cabdiwali Cali Cabdulle Timacade oo isaguna ah gudoomiyaha ururka dhalinyaradda Puntland.isagu wuxuu qabaa in dhalinyaraddii gashay budhcad badeedda aysan wax faa’iido ah ka helin xitaa kuwoodii lacagaha faraha badan qaatay, wuxuuna leeyahay in dhalinyaradda la isu diro oo iyagu ay is wacyi geliyaan, oo dhalinyaradda Puntland ku nool ay kacdo wayna is yaqaanaan kuwa kaga jira budhcad badeedda, annaga ka urur dhalinyaro ahaan waxaan aad xoogga u saarnay in boqolaal dhalinyaro ah aan kala soo harnay budhcad badeednimadda kadib markii tababaaro xirfado samayn ah loo sameeyey, waana arrin muhiim u ah dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed gudda iyo dibedba inay iska kaashadaan sidii dhalinyaradda walaalahoodda ah ee budhcad badeednimadda ku jira dib loogu soo celin lahaa bulshadoodda”

Marka laga hadlayo budhcad badeedda ayaa sheekooyinka iyo dhibaatooyinka ay u gaysteen dhinaca nolosha bulshadda ay wakhtigaan yihiin kuwo aan la soo koobi Karin, siyaabahay ku bilowdeen oo wejiyo kala gedisan ku soo bilowday ayaa wakhtigaan doonistoodu ugu muhiimsani tahay dhaqaalle si boob ah lagu hello, dhalinyarada ku nool Puntland ayaa iyagu maxay qabaan?

Guddomiyaha dhalinyaradda Puntland wuxuu leeyahay “runtii hadaan nahay dhalinyaradda Soomaaliyeed sumcad xumo ayey noo soo jiideen, waxaa jira boqolaal dhalinyaro ah oo tacliin u doontay wadamo shisheeye oo markii la waydiiyey wadankay ka yimaadeen yiri Soomaaliya, lagu yiri waa naqaan Soomaaliya waa kii budhcad badeedda, waxaa taas ka sii daran dhibaatadda ay dhalinyaradda gashay falalkaas ay ku hayaan nolosha bulshadda Soomaalida, waxay badiyeen gogoldhaafka, taasoo khataro badan ay ugu jiraan cuduradda faafa sida HIV/AIDs, dilka dhexdooda ah oo ay ku murmaan lacagaha, qiimaha nolosha magaalooyinkay ka hawl galaan oo ay ka dhigaan mid qaali ah oo qof aan lacag budhcad badeed haysan ma ahane qof kale wax ka iibsan Karin”

Sheikh Cabdulqaadir nuur aadan oo ka mid ah culimadda Puntland ayaa qaba “in dhalinyaradda budhcad badeedu fiiriyaan nolosha balaadhan ee ay duminayaa ee dadkooda iyo kuwa kale ee aduunka ah, haddii wasaaradda shaqadda iyo dhalinyaraddu xil iska saarto sidii ay siyaasad cad u samayso waxa laga gaari karaa guul kama danbaysa ah”

Wuxuu sheekhu sheegay in haddaba uu garanayo boqolaa dhalinyaro budhcad badeed ah oo horay u helay lacago badan manta meel ay ku sugan yihiin aan laga war hayn, oo guryo quruxa badan oo ay dhisteenna yihiin kuwo haawanaya oo cidla loona bahan yahay in kuwa ku harayna ay kuwaas ku waano qaatan iskana joojiyaan falalkaas xun xun”
Wuxuuna baaq suugaaneedkaan Sheekhu u diray dhalinyaradda budhcad badeednimadda ku sii jira

Budhcadda meelaha dhoobanne
Weliba dheelka habeenkiyo
Dhaxantii isu taagaye
Badda dhuunta ku  haystaye
Dhamihii qorigii iyo
Dhinaca saartay basuuke
Maraakiibta dhaqaadadaye
Raashinka dhoofin
Iyo dadka dhoofka ahaa
Iyo dhaqalaahihiisa aduunka
Nimankaa dhabihii iyo
Marinkii ay ka dhacaysiyo
Badda dhoorka ku yeeshaye
Dhexdhexaad u istaagayo
Arinkaasi dhaqan weeye halaabayoo
Dhada looxa ku taaliyo
Diinti maysan dhigaynee
Sharafteenii dhantaashayo
Dhibaatay nagu beertayoo
Dhaqankeenii xumaayayoo
Dunidaa ka dhawaaqdayoo
Dhalintii wadankeeniyo
Budhcadda dhoolaha taagtooy
Dhaqankeenii halowyee
Arintaa iska dhaadshoo
Dhan uun manta u jeestooy

Koshin

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS