Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

30 warfidiyeen oo tababar lagu baranayo tebinta wararka arrimaha baniaadanimo loogu soo gebagebeeyey Hargeysa

Waqooyigalbeed 07 Oct, 2011

Tababar looga hadlayey tebinta wararka ku saabasan arimaha bani aadannimo ayaa lagu soo geba-gebayey magaalada Hargaysa, tababarkaan ayaa waxa ka qayb galay weriyayaal ka kala socday qaybaha kala duwan ee wadanka, iyagoo ku baranayay arrimo muhim ah oo la xiriira tebinta wararka bani’aadanimo iyo ilaalinta ashaxa wanaagsan ee saxaafada kaas oo halbeeg u noqon kara ka xog waramida dhibanayaasha iyo dadka tabaalaysan ee u baahan in ay helaan gar-gaar bani aadannimo.

Tabarkan ayaa waxa fulintiisa iska kaashaday RADIO ERGO iyo sanduuqa badbaadda caruurta qaramadda midoobay ee UNICEF.

Kulankaan oo muddo 6 maalmood ah lagu lafa gurayey tebinta wararka la xiriira bani aadnimada ayaa waxa si weyn ugu riyaaqay ka qayb galayaashii, iyagoo dhamaantood isku raacay waxtarka simimaarkani uleeyahay warfidiyeennadda iyo bahda bulshadda gargaarka ka shaqaysa, qaar ka mid weriyayaashii ka qayb galay ayaan ra’yigooda wax ka waydiiyey waxa ay ii sheegeen sida ay ugu faraxsanyihiin tababarkan.

Ugu danbayntii kulan si wayn loo soo agaasimayay ayaa weriyaasha lagu gudoonsiiyay qalab warbaahineed iyo shahaadooyin cadaynaya wixii ka barteen tababarka.

Dhamaad
Yaasiin Cali/MH

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS