Muqdisho 31 May, 2012
Dugsiga indhoolayaasha Albasiir waa dugi ay wax ku bartaan ardayda indhoolayaasha ee ku nool magaalada Muqdsho, dugsiga waxaa uu ku yaalaa degmada Wadajir oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana dugsigaasi ilala haatan ka diiwaan gashan illaa 296 arday isugu jirta kuwa dhagaha iyo maqalka la,.
Dugsiga waxaa la ,aas’aasay January sanadkii 2011 ,waxaana dhanka qalabka ka saaciday qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka dibaddiisa,waxaana haatan dugsiga fariista oo wax ka dhigta arday tiradoodu dhantahay illaa 25arday oo 13ka mid ahi yihiin wiilal iyo 12 gabdhood.
Abiikar Xuseen Bashiir waa maamulaha dugsiga indhoolayaasha Albasiir waxaa uu idaacadda Ergo u sheegay in xaaladda dugsiga uu haatan ku sugan yahay ay tahay mid aad u liidata isagoona sheegay in aanay jirin cid taakulayn ay ka helaan, “macallimiinta uma hayno mushahar,ardayda uma heli karno agabki waxbarashada ka saacidi lahaa “ayuu yiri Abiikar oo intaasi ku daray in dugsiga uusan lahayn degaan,waxaana uu sheegay in wasaaradda waxbarashada DKMG Soomaaliya ay ugu yaboohday dhul ku yaala degmada Howlwadaag balse aanay siinin wax decument ah oo caddeynaya,isagoona ka codsaday dawladda in dhulkaasi ay ku soo wareejiso decumentigiisa.
Mamulaha dugsiga indhoolayaasha ee Albasiir Mudane Abiikar Xuseen Bashiir ayaa dhinaca kale sheegay in ardayda indhoolayaasha aanay haysanin daryeel caafimaad isagoona ka codsaday wasaaradda caafimaadka DKMG Soomaaliya in ardaydaasi ay u samayso xarun lagu koontaroolo caafimaadkooda, ugu dambayntii maamulaha ayaa baaq u diray dhammaan hay,adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ahba in dugsiga ay taageeraan .
Dugsiga indhoolayaasha Albasiir ayaa isagu ah dugsiga labaad ee ka furan magaalada Muqdisho kaasoo ay wax ku bartaan ardayada indhaha la,a marka laga reebo dugsiga kale ee Alnuur oo isagu ku yaala agagaarka km4 kaasoo isaguna ay wax ku bartaan ardayda indhoolayaasha a h ee ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Abdulkadir Abdulle/AA/MH